Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Midowga Musharaxiinta oo taageeray jadwalka ay soo saareen guddiga FEIT


Midowga Musharaxiinta
Midowga Musharaxiinta

Golaha Midowga Musharraxiinta Soomaaliya ayaa sheegay inay soo dhowaynayaan jadwalka dhammaystirka doorashooyinka 2020/22 ee ay soo saareen Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT).

Jadwalkaas oo xalay soo baxay ayey guddiga ku sheegeen inay qorsheynayaan in xildhibaanada cusub la dhaariyo 14-ka April. Hase yeeshee, waxaa ka horyimid maamullada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, oo sheegay in taasi aanay aheyn shaqada guddiga.

Midowga Musharaxiinta ayaa qoraalka ay soo saareen ku taageeray guddiga doorashada heer federaal, ayaga oo ka digay dib u dhaca kale oo ku yimaada dhameystirka doorashada.

“Goluhu wuxuu caddaynayaa in dibudhac iyo daah sanad ka badan ee doorashooyinka dalka, ay sababtay firaaq dastuuri ah iyo halls ku timaadda sharciyada iyo jiritaanka hay'adaha dastuuriga ah. Goluhu wuxuu adkaynayaa in la dhowro qodobka 66-aad ee dastuurka, lana raaco soo-jireenkii doorashooyinka 2016/17 ee ku aadan masuuliyada GHDHF ee la xariira waqtiyeynta dhamaystirka hawlaha doorashooyinka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Goluhu wuxuu caddaynayaa, in kaalinta Dawlad Gobolleedyada ay ku eg tahay fududeynta doorashooyinka ee deegannadooda. Wuxuuna Goluhu ugu baaqayaa in ay faraha kala baxaan hawlaha GHDHF.”

Golaha ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka, Xukuumadda iyo beesha caalamka in ay gacan ku siiyaan GHDHF, “meelna looga soo wada jeesto cid walba oo isku dayaysa carcialadaynta dhammaystirka hawlaha doorashada.”

XS
SM
MD
LG