Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taalibaan oo haweenka ka mamnuucday inay maxram la'aan diyaarad raacaan


Taalibaan ayaa amartay shirkadaha diyaaradaha ee dalkaas ka howlgala inay haweenka ka joojiyaan inay raacaan haddii aanu la socon nin ehel ah ama maxram, sida ay saraakiil socdaal u sheegeen wakaaladda wararka AFP.

Xannibaaddan cusub ee haweenka la saaray ayaa daba socota markii Arbacadii la xiray dhammaan Dugsiyada Sare ee gabdhaha saacado kadib un markii loo ogolaaday in markii ugu horeysay dib loo furo tan iyo markii Taalibaan ay xukunka la wareegeen bishii August.

Laba sarkaal ka tirsan shirkadaha diyaaradaha ee Ariana Afghan Airlines iyo Kam Air ayaa Axaddii sheegay in Taalibaan ay ku amartay inay haweenka ka joojiyaan inay diyaaradaha koraan haddii ay kaligood yihiin.

Go’aankan ayaa la qaatay kadib kulan Khamiistii dhex-maray wakiilo ka socday Taalibaan, labada shirkad iyo mas’uuliyiinta socdaalka ee garoonka diyaardaaha, sida ay AFP u sheegeen labada sarkaal oo codsaday inaan la magacaabin.

Tan iyo markii Taalibaan ay xukunka la waregtay waxay xayiraado dhowr ah kusoo rogtay xoriyadda haweenka, kuwaas oo badankood ay fulinayaan saraakiisha heer gobol ee Wasaaradda Sare u Qaadidda Dhaqanka Wanaagsan iyo Ka-hortagga Xumaanta.

Wasaaradda ayaa sheegtay inaysan soo saarin wax dikreeto ah oo haweenka ka mamnuucaya inay kaligood diyaarad raacaan.

Hase yeeshee warqad uu soo saaray sarkaal sare oo ka tirsan shirkadda Ariana Afghan oo loo qeybiyey shaqaalaha kadib kulanka Taalibaan, taasi oo nuqul ka mid ah ay heshay AFP, ayaa xaqiijsay tallaabada cusub.

“Haweenna looma ogola inay gudaha ama dibedda dalka u duusho ayada oo aanu la socon nin ehel ah,” ayey tiri warqadda.

Laba ka mid ah wakiilada iibiya tikidhada oo ay la xiriirtay AFP ayaa sidoo kale xaqiijiyey inay joojiyeen inay tikit u jaraan haween kali ah.

“Haween kaligood safrayey ayada oo aanu la socon nin ehel ah ayaa loo diiday inay koraan diyaaradda Kam Air ee Jimcihii ka baxday Kabul una socotay Islamabad,” waxaa sidaas yiri rakaab diyaaradda saarnaa oo la hadlay AFP.

Haweeney Afghani ah oo haysata baasaboorka Mareykanka ayaa sidoo kale Jimcihii loo diiday inay kaligeed u safarto Dubai, sida uu sheegay ilo-wareed kale.

Taalibaan ayaa horey uga mamnuucday haweenka inay kaligood ku safraan waddooyinka gudaha dalka, hase yeeshee waa loo ogolaa inay diyaarad racaaan illaa amarkan cusub.

Taaliibaan ayaa markii ay talada la wareegtay ballan-qaaday xukun ka dabacsan kii 1996-kii illaa 2001 oo ahaa xukun Islaami ah oo aad u adag.

Hase yeeshee, waxay tan iyo August dib ula laabatay qaar ka mid ah xoriyadihii ay haweenka heleen 20-kii sano ee tegay.

AFP

XS
SM
MD
LG