Safiir hore oo Mareykan ah ayaa qirtay dambi ah inuu si sharci darro ah ugu ololeeyey dowladda Qatar, islamarkaana uu aqbalay safar raaxo, isaga oo ah danjiraha Mareykanka ee Pakistan, sida ay muujiyeen dokumentiyo maxkamadeed.
Dowladda UK ayaa Jimcaha sheegtay inay 8,000 oo askari u direyso bariga Yurub, halkaasi oo ay ku sameyn doonaan dhoolatus lagu muujinayo awood kadib markii Ruushka uu ku duulay Ukraine.
Dowladda Mareykanka ayaa bogaadisay doorashada guddoonka labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya oo shalay lagu soo geba-gebeeyey magaalada Muqdisho, ayada oo dalbatay in si deg deg loogu xajiyo doorashada madaxweynaha.
Ruushka iyo Mareykanka ayaa Arbacadii is-weydaarsaday maxaabiis inkasta oo ay u dhaxeyso xiisad ka dhalatay dagaalka Moscow ay ku qaaday Ukraine.
Waxaa weli hubanti la'aan ay ka taagan tahay qabsoomidda doorashada guddoonka golaha shacabka Soomaaliya oo qorshuhu yahay inay maanta dhacdo, ayada oo xiisad ay ka jirto magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu ciidamada howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS ku amray inay si degdeg ah ula wareegaan amniga Teendhada Afisiyoone, oo berri lagu qabanayo doorashada guddoonka Golaha Shacabka.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sharci-darro ku tilmaamay “doorashooyinka isbarbar socda” ee magaalooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaareey.
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Khamiista maanta ah bogaadiyey wax uu ugu yeeray “xoreynta” magaalada Mariupol kadib markii wasiirka gaashaandhigga Sergei Shoigu uu u sheegay in Moscow ay gacanta ku dhigtay magaaladan dekedda leh, marka laga reebo warshadda biraha sameysa ee Azovstal.
Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa Erik ten Hag u magacowday inuu noqdo tababaraha cusub ee kooxda, ayada oo la gaartay qandaraas ku eg June 2025, laguna kordhin karo sanad kale.
Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo ah la-taliyaha amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay inuu ixtiraamayo qaraarka ay Maxkamadda Sare ee Soomaaliya maanta diiday inay qaaddo dacwadda kursiga Golaha Shacabka ee HOP086 ee uu kusoo baxay la-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin.
Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa diiday inay qaaddo dhageysiga dacwadda kursiga Golaha Shacabka ee HOP086 ee uu kusoo baxay la-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin.
Kadib laba bil oo ay go’doon ku jirtay, magaalada koonfureed ee Mariupol ayaa qarka u saaran inay “saacado gudahood” ugu gacan gasho Ruushka, waxaa sidaas Arbacada maanta ah sheegay sarkaal Ukrainian ah.
Ugu yaraan 152 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dhaawacay iska horimaad maanta ayaga iyo ciidamada booliska Israel ku dhex-maray gudaha Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa ee magaalada Qudus.
Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray maanta ku sheegay inuu go’aan ku gaaray in doorashadii 16-ka kursi ee magaalada Garbahaarey loo wareejiyo magaalada Ceelwaaq.
Madaxa shirkadda Tesla Elon Musk ayaa ku yaboohay inuu iibsado 100% saamiga shirkadda Twitter, kana dhigo mid gaar loo leeyahay, sida ku cad waraaqo uu u gudbisay guddiga dowladda Mareykanka u qaabilsan shirciyeynta suuqa saamiyada ee SEC.
Britain ayaa la filayaa inay muhaajiriinta iyo dadka magan-galyo doonka ah ee kasoo gudba marin biyoodka u dhexeeya dalkaas iyo France ee loo yaqaan The Channel u dirto dalka Rwanda, sida lagu sheegay heshiis muran badan oo lagu dhaowaaqay Khamiista maanta ah.
Booliska iyo saraakiisha federaalka ayaa raadinaya nin lagu tuhmayo weerar toogasho ah oo shalay ka dhacay goobta tareenada laga raaco oo ku taalla magaalada New York, halkaasi oo uu ku dhaawacay in 23 qof kahor inta aanu ka baxsan.
Sharci-dejiyayaasha Pakistan ayaa maanta u doortay Shehbaz Sharif inuu noqdo ra’iisul wasaaraha cusub kadib markii Axaddii xilka laga tuuray Imran Khan oo iska casilay kursigiisa golaha qaranka -- isaga iyo inta badan xubnaha xisbigiisa -- kahor codeynta.
Ali Harbi Ali oo ah 26 jir Soomaali ah ayaa maanta lagu helay dambi ah inuu dilay xildhibaan David Amess oo ka tirsanaa baarlamanka UK, kaasi oo uu ku weeraray kaniisad uu kula kulmayey cod-bixiyeyaal.
Wareegii ugu dambeeyey ee cunaqabataynada Mareykanka ee ka dhanka ah Ruushka ayaa waxaa ku jira laba bartilmaameed oo cusub: Gabadhaha madaxweyne Vladimir Putin ee Katerina iyo Maria, oo saraakiisha Mareykanka ay rumeysan yihiin inay qarinayaan hantida Putin.
Kuwo kale