Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Safiir hore oo Mareykan ah oo lagu helay dambi ah inuu u ololeeyey Qatar


Richard Olson
Richard Olson

Safiir hore oo Mareykan ah ayaa qirtay dambi ah inuu si sharci darro ah ugu ololeeyey dowladda Qatar, islamarkaana uu aqbalay safar raaxo, isaga oo ah danjiraha Mareykanka ee Pakistan, sida ay muujiyeen dokumentiyo maxkamadeed.

Richard Olson, oo sidoo kale soo noqday danjiraha Mareykanka ee Imaaraadka Carabta, iyo wakiilka gaarka ah ee Afghanistan iyo Pakistan, ayaa lasoo taagay maxkamad federaal ayada oo lagu eedeeyey inuu jebiyey sharciga xadidaya in loo ololeeyo dal shisheeye sanad gudihiis marka xafiiska laga tago.

Sida lagu sheegay dacwadda lagu soo oogay, Olosn oo xilligaas ahaa safiirka Mareykanka ee Pakistan ayaa 2015 wuxuu magaalada Los Angeles kula kulmay nin Pakistani Mareykan ah oo usoo jeediyey la shaqeynta ganacsade ku sugan Bahrain.

Ninka Pakistani Mareykanka ah, oo aan la shaacin, ayaa kadib agaasimay safar deg deg oo ay ku aadeen London si ay uga wada-hadlaan iskaashigooda, ayada oo Olson uu ku guul-darreystay inuu shaaciyo $19,000 oo loo siiyey ticket first class, jiifka hotel qaali ah iyo cunno, sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha.

Ganacsadaha ayaa kadib Olson usoo jeediyey hal sano oo qandaraas ah oo ku kacaya $300,000 kadib marka uu ka tegay shaqadiisa diblomaasi, sida ku cad dukumentiyada dacwadda.

Olson ayaa waxaa markii hore la weydiistay inuu dowladda Qatar uga ololeeyo Washington, si kastamka Mareykanka ay u ogolaadaan inay xafiis dadka lagu soo baaro ka sameystaan garoonka diyaaradah Doha, taasi oo sahleysa safarka labada dal.

Safiirka hore ayaa waxaa kadib la weydiistay inuu dowladda Qatar caawiyo xilli ay wajaheysay xanibaado kaga yimid dalalka deriska la ah ee Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta.

Taas beddelkeed, sarkaal ka tirsan dowladda Qatar ayaa kadib ninka Pakistani Mareykanka ah usoo diray $5.8 milyan oo dollar, kaasi oo kadib lasoo xiriiray Olson, sida dacwadda lagu sheegay.

Olson ayaa qirtay dambiyada lagu soo oogay, ayada oo kiiskiisa laga soo wareejiyey gobolka California oo la keenay magaalada Washington.

AFP

XS
SM
MD
LG