Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Elon Musk oo ku yaboohay inuu iibsado Twitter


 Elon Musk
Elon Musk

Madaxa shirkadda Tesla Elon Musk ayaa ku yaboohay inuu iibsado 100% saamiga shirkadda Twitter, kana dhigo mid gaar loo leeyahay, sida ku cad waraaqo uu u gudbisay guddiga dowladda Mareykanka u qaabilsan shirciyeynta suuqa saamiyada ee SEC.

Musk ayaa ku yaboohay inuu halkii saami ee shirkadda ku iibsado $54.20, taasi oo shirkadda ku qiimeyneysa $43.4 bilyan, sida ku cad waraaqaha uu u gudbiyey SEC, oo ku taariikheysan April 13, 2022.

Tallaabada uu qaaday Musk ee ku wajahan Twitter ayaa imaneysa maalmo kadib markii uu diiday in kursi laga siiyo guddiga shirkadda, taasi oo ka dambeysay markii uu iibsaday 9.2 boqlkiiba saamiga shirkadda.

“Waxaan maal-gashtay Twitter, aniga oo aaminsan inay leedahay suurta-galnimo ay ku noqoto barta xoriyadda hadalka ee caalamka, waxaana rumeysanahay in xoriyadda hadalka ay muhiim bulsho u leedahay shaqeynta dimoqraadiyadda,” ayuu ku yiri Musk warqadaha uu diiwaan-geliyey.

“Si kastaba, tan iyo markii aan maal-gashtay shirkadda, waxaan hadda garowsaday in shirkadda aysan sidaas ku noqon karin habka ay iminka tahay,” ayuu yiri.

“Twitter waxay u baahan tahay in loo beddelo shirkad gaar ah. Sidaas darteed, waxaan ku yaboohayaa inaan 100% shirkadda ku iibsado $54.20 halkii saamiba oo kaash ah, taasi 54% ka badan qiimaheedii maalinkii aan billaabay inaan maal-gashto.”

Musk oo ah saamilaha ugu weyn Twitter, ayaa sheegay in yaboohiisa uu yahay “kan ugu wanaagsan uguna dambeeya,” islamarkaana uu dib u eegi doono maqaamkiisa shirkadda, haddii aan la aqbalin yaboohiisa.

“Twitter waxay leedahay awood aan caadi aheyn, waana soo bixin doonaa,” ayuu yiri.

Musk oo hadda ah ninka ugu taajirsan caalamka, islamarkaana ay Twitter kala socdaan 80 milyan oo qof ayaa toddobaadkii tegay shaaciyey inuu iibsaday 73.5 milyan oo saamiga Twitter ah -- ama 9.2 boqlkiiba -- samaiga guud ee shirkada.

Guddiga Twitter ayaa xaqiijiyey inay heleen yabooha Musk, oo ay eegi doonaan kadibna go’aan ka gaari doonaan.

AFP

XS
SM
MD
LG