Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Fahad Yaasiin: "Waan ixtiraamayaa qaraarka Maxkamadda Sare"


Fahad
Fahad

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo ah la-taliyaha amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay inuu ixtiraamayo qaraarka ay Maxkamadda Sare ee Soomaaliya maanta diiday inay qaaddo dacwadda kursiga Golaha Shacabka ee HOP086 ee uu kusoo baxay la-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin.

Go’aanka maanta kasoo baxay Maxkamadda ayey ku tiri “Waxa ay aqbashay hor-is-taagga Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda oo metalaya Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal ee ah in aanay Maxkamadda Sare awood u lahayn ka-garnaqidda cabashooyinka la xidhiidha doorashada dadban ee Baarlamaanka 11 aad. Waxa ay go'aamisay in aanay Maxkamadda Sare ee Dalku awood u lahayn ka garnaqidda cabashooyinka ka dhasha go'aannada maamul ee doorashada dadban ee Baarlamaanka 11 aad.”

Fahad ayaa qoraal uu uga jawaabay arrintan oo uu saaray ku yiri “Waxaan Maxkamadda Sare ee dalka u gudbistay 9kii Abriil 2022 cabasho lid ku ah go’aankii siyaasadeysnaa ee Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ay ku hakiyeen natiijada tartankii daaha furnaa ee aan u galay kursiga HOP086.”

Waxa uu intaas ku daray “Qabashada kiiskan ee Maxakamadda Sare iyo tallaabooyinkii ka dambeeyay ee ay qaaday kuwaasoo ay ku dalbatay in labada dhinacba ay soo gudbiyaan dulucda doodaha ay qabaan iyo dhagaysiga labada dhinac ee warbaahinta laga tabiyayba waxay caddeynaysaa in Maxkamaddu ay gudagashay gar-maqalka cabashadan.”

“Si kastaba ha ahaatee, markii aan si qotodheer uga baaraandagay qaraarka ay soosaareen garsooreyaashu, waxaan rabaa inaan bulshada Soomaaliyeed la wadaago inaan ixtiraamayo qaraarka kasoo baxay Maxkamadda Sare, oo ah hay’adda ugu sarreysa ee garsoorka dalka, kaasoo ay ku sheegeen in aysan awood u lahayn go’aan ka gaarista gal-dacwadeedka.”

Go'aanka uu Fahad ku ixtiraamay go'aanka Maxkamadda ayaa muranka hareeyey kursiga HOP086 kasoo xiraya dhanka sharciga, mana cadda tallaabada xigta ee uu qaadi doono Fahad Yaasiin.

XS
SM
MD
LG