Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Putin oo guul ka sheegtay Mariupol, soona saaray amar


Vladimir Putin
Vladimir Putin

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Khamiista maanta ah bogaadiyey wax uu ugu yeeray “xoreynta” magaalada Mariupol kadib markii wasiirka gaashaandhigga Sergei Shoigu uu u sheegay in Moscow ay gacanta ku dhigtay magaaladan dekedda leh, marka laga reebo warshadda biraha sameysa ee Azovstal.

Si buuxda ula wareegidda Mariupol oo ku taalla badda Azov ayaa guul-weyn oo muhiim ah u noqon doonta Russia, ayada oo u sahleysa inay isku xirto gobolka ay horey ugu darsatay ee Crimea iyo dhulka gooni u goosatada ay taageerto ee bariga Ukraine.

“Mariupol waa la xoreeyey,” ayuu Shoigu u sheegay Putin intii uu socday kulan laga baahiyey taleefishinka. “Inta ka hartay ciidanka Ukraine waxay gabbaad ka dhigteen aagga warshadda Azovstal.”

Shoigu ayaa sheegay in qiyaastii 2,000 oo difaacayaal reer Ukraine ah ay ku jiraan warshadda, halkaasi oo iska caabintii ugu dambeysay ee Ukraine ay gabaad ka dhiganayaan.

Putin ayaa sheegay in “xoreynta” Mariupol ay “guul” u tahay ciidamada Ruushka, hase yeeshee wuxuu ku amray Shoigu inuu baajiyo qorshe ay ku geli lahaayeen aagga warshadda Azovstal, isaga oo ugu yeeray “mid aan lagama maarmaan aheyn.”

“Waxaan u arkaa ku xoomidda lasoo jeediyey ee aagga warshadaha mid aan lagama maarmaan aheyn,” ayuu Putin u sheegay wasiirkiisa difaaca Sergei Shoigu. “Waxaan ku amrayaa inaad baajiso.”

“Looma baahnaa inaad ku booddaan aaggan warshadaha, xanniba dhammaan hareeraheeda si xitaa aanu tixsi uga baxsan,” ayuu yiri.

Kumanaan qof oo shacab ah ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen magaalada oo ay go’doon ku hayeen ciidamada Ruushka muddo bil ka badan, ayaga oo aan heli karin cunno, biyo iyo koronto.

Dhinaca kale, Mikhailo Podolyak oo ah wada-xaajoodaha Ukraine, ayaa xalay soo jeediyey wada-hadallo labada dhinac ku dhex mara gudaha magaalada Mariupol, oo ku saabsan aayaha difaacayaasha Ukraine ee weli ku sugan.

“Anaga oo aan wax shuruud ah ku xirin, waxaan diyaar u nahay inaan wareeg cusub oo wada-hadallo gaar ah ku qabano Mariupol,’ ayuu kusoo qoray twitter.

Magaalada oo ay horey ugu noolaayeen 400,000 oo qof, ayaa waxaa ku socday duqeymo ayada oo go’doon ku jirtay tan iyo markii uu dagaalka billowday, waxaana laga soo weriyey khasaarihii ugu xumaa dagaalka iyo musiibo bani’aadaminimo.

Ukraine ayaa sheegtay in kumanaan qof oo shacab ah ay ku dhinteen Mariupol.

AFP, REUTERS

XS
SM
MD
LG