Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuusan dooneyn inuu la hadlo madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, wuxuuna soo jeediyey in laga yaabo in gebi ahaan uu xiriirka u jaro dalka labaad ee ugu dhaqaalaha xooggan caalamka.
Askari Israeli ah ayaa lagu dilay gantaal ay soo tureen Falastiiniyiinta, intii lagu guda jiray howl-gal maanta ka dhacay Daanta Galbeed ee la haysto, waxaa sidaas sheegay afhayeen u hadlay ciidamada Israel.
Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa beenisay inay ku lug lahayd wax saraakiisha dalka Venezuela ay ugu yeereen isku day afgambi oo fashilmay oo dalkaas ka dhacay.
Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa dedejinaya hindise Shiinaha looga wareejinayo wax soo-saarka warshadaha, iyo canshuuro kale oo Beijing loogu ciqaabayo qaabkii ay ula tacaashay cudurka Coronavirus, waxaa sidaas sheegay saraakiil xog ogoal u ah qorshaha Mareykanka.
Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay dalka laga diiwaan geliyey 34 kiis oo cusub oo cudurka Coronavirus ah, ayada oo 3 qof oo kale ay u dhinteen.
Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa Axaddii sheegay in “caddeymo weyn” ay muujinayaan in cudurka Coronavirus uu asalkiisa ka yimid shaybaar ku yaalla dalka Shiinaha, isaga oo sare usii qaaday xiisadda kala dhaxeysa Beijing.
Iran ayaa cambaareysay go’aanka ay Jarmalka dalkooda uga mamnuuceen dhaq-dhaqaaqyada kooxda Xizbullah ee dalka Lebanon, waxaana ay sheegtay inay wajihi doonaan cawaaqibka go’aankii ay ugu hoggaansameen cadaadiska Israel iyo Mareykanka.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Khamiistii ugu hanjabay Shiinaha canshuur cusub, isaga sheegay inuu arkay caddeymo muujinaya in cudurka Coronavirus uu ka yimid shaybaar ku yaalla magaalada Wuhan.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadii sheegay in qaabkii ay Shiinaha ula tacaaleen cudurka Coronavirus ay caddeyn u tahay in Beijing “ay sameyn doonto wax kasta oo ay awooddo”, si uu u lumiyo doorashada madaxweynaha ee bisha November.
Sarkaalka ugu sarreeya ee Mareykanka u qaabilsan ka hor-tagga cudurka caabuqa ayaa sheegay in dawada Remdesivir ee lagula dagaalo fayruska, oo ay sameyso shirkadda Gilead, ay noqon doonta dawada guud ee lagula tacaalo cudurka COVID-19.
Justin Amash, oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka, horeyna uga baxay xisbiga Jamhuuriga, ayaa Talaadadii ku dhowaaqay inuu isku diyaarinayo inuu ordo xilka madaxweynaha Mareykanka, isaga oo ka socda xisbi saddexaad.
Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka ayaa soo soo dhoweeyey wada-hadalladii maamulka Jubaland iyo Golaha Isbadal doonka Jubaland, ee hogaamiyey heshiis dib-u-heshiisiin oo ay kala saxiixdeen 23-kii April.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in laga yaabo inuu Shiinaha ka dalbado magdhow la xiriira cudurka Coronavirus ee kasoo billowday magaalada Wuhan ee dalkaas, kadibna ku faafay caalamka.
Jeneral-ka fallaagada ah ee dalka Libya Khalifa Haftar ayaa Isniintii ku dhowaaqay inuu haysto “sharciyadda dadka” ee ah inuu dalka hogaamiyo, isaga oo sheegay inuu soo geba-geboobay heshiis siyaasadeedkii la gaaray 2015.
Mas’uuliyiinta Korea-da Koonfureed ayaa ku adkeysanaya inaysan dalka Korea-da Waqooyi ka ogeyn wax dhaq-dhaqaaqyo ah oo aan caadi ahayn, waxayna taxaddar ka muujiyeen wararka sheegaya in hoggaamiyaha dalkaas Kim Jong Un uu xanuusan yahay.
Ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa kalsooni ka muujiyey in Mareykanka uu laba bil gudahood ku siin doono fasax ay Israel ugu dhaqaaqdo qorshe ay ugu darsaneyso qeybo ka mid ah Daanta Galbeed.
Saldhigyada ciidamada Mareykanka ee Jabuuti ayaa la geliyey xaalad caafimaad dadweyne oo deg deg ah oo looga gol leeyahay taxaddar, kadib markii ay sare u kaceen kiiska cudurka Coronavirus ee dalkaas.
Sacuudi Carabiya ayaa ka fakareysa halkii ay u weecin lahayd malaayiin barmiil oo saliid cayriin ah, oo saran maraakiib saliidda qaada oo ku wajahan Mareykanka, haddii madaxweyne Trump uu mamnuuco saliida laga soo dhoofiyo boqortooyada.
Madaxa Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegay inuu rajeynayo in Mareykanka uu dib uga fiirsado go’aanka uu ku joojiyey lacagtii uu ku maal-gelin jiray ururka, hase yeeshee, ahmiyaddiisa koowaad ay iminka tahay joojinta cudurka saf-mareenka ah ee Coronavirus iyo bad-baadinta nolosha.
Qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka oo soo xiganaya saraakiil dowladeed ayaa sheegaya in hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi Kim Jong Un uu ku ku sugan yahay “xaalad halis ah” kadib markii qalliin looga sameeyey wadnaha.
Kuwo kale