Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka: Kuma lug lahayn wixii ka dhacay Venezuela


Pentagon
Pentagon

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa beenisay inay ku lug lahayd wax saraakiisha dalka Venezuela ay ugu yeereen isku day afgambi oo fashilmay oo dalkaas ka dhacay.

“Dowladda Mareykanka wax shaqo ah kuma lahan waxa ka dhacay Venezuela maalmihii tegay,” waxaa sidaas yiri xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Mark Esper.

Madaxweynaha dalka Venezuela Nicolas Maduro ayaa Isniintii sheegay inay qabteen laba muwaadin oo Mareykan ah, oo sida uu sheegay la shaqeynayey sarkaal horey uga tirsanaa militariga Mareykanka oo qirtay howl-galka.

“Dowladda Mareykanka ayaa si buuxda oo dhameystiran ugu lug leh howl-galkan fashilmay,” ayuu yiri Maduro.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sidoo kale beeniyey in Mareykanka ay ku lug lahaayeen howlgalka Venezuela.

Labada muwaadin ee Mareykanka ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Luke Denman iyo Airan Berry, waxaana labadooda oo horey uga tirsanaa ciidamada gaarka ah ee Mareykanka lala xiriiriyey shirkad amni oo gaar loo leeyahay oo fadhigeedu yahay gobolka Florida.

Labadan askari ee horey ayaa waxaa la qabtay markii ay soo cago dhigteen mid ka mid ah xeebaha dalkaas.

XS
SM
MD
LG