Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Askari Israeli ah oo lagu dilay weerar gantaal


Askari Israeli ah ayaa lagu dilay gantaal ay soo tureen Falastiiniyiinta, intii lagu guda jiray howl-gal maanta ka dhacay Daanta Galbeed ee la haysto, waxaa sidaas sheegay afhayeen u hadlay ciidamada Israel.

Bayaan kasoo baxay militariga ayaa lagu sheegay in askariga oo 21 jir ahaa uu madax kaga dhacay gantaalka “intii lagu guda jiray dhaq-dhaqaaq howl-gal” oo ka socday xaafadda yaabad ee ku dhow magaalada waqooyi ee Jenin.

Ilo-wareedo amni oo Falastiiniyiin ah ayaa sheegay in isku-dhacyada ay xalay billowdeen kadib markii ciidamada Israel ay soo weerareen xaafadda.

Afhayeen u hadlay ciidamada Israel, Lieutenant Colonel Jonathan Conricus ayaa sheegay in ciidamadu ay galeen xaafadda si ay usoo xiraan Falasiiyiin la tuhunsan yahay.

“Yabaad waxay caan ku tahay inay xarun u tahay argagixisada, kuwa u damqada iyo kuwa taageera ficillada argagixiso,” ayuu yiri.

Ciidamada Israel ayaa ka baxayey xaafadda markii gantaalka lasoo tuuray, kaasi oo madaxa kaga dhacay askariga, sida uu sheegay afhayeenka, oo intaas ku daray inay raadinayaan qofka gaystay weerarka.

Conricus ayaa sheegay in askariga dhintay uu yahay kii ugu horreeyey ee sanadkan Israel kaga dhinta dagaal.

AFP

XS
SM
MD
LG