Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay si qoto dheer uga walaacsan tahay warbixino sheegaya in Turkey ay waddo dadaallo hor leh oo ay ugu weecaneyso iibsashada iyo isticmaalka gantaallada Russia.
Amiir Harry iyo xaaskiisa Meghan ayaa Axaddii liiska madow ku daray afar ka mid ah jaraa’idada ugu weyn dalka Britain, ayaga oo ku eedeeyey inay ka qoreen sheekooyin “la dooriyey, been ah, iyo beegsi aan sabab lahayn.”
Muftiga ugu weyn Saudi Arabia Sheikh Abdulaziz Al al-Sheikh, ayaa sheegay Salaadda Taraawiixda ee bishan Ramadan iyo midda Ciidul Firtiga lagu oogi doono guryaha, haddii faafitaanka cudurka Coronavirus uu sii socdo.
China ayaa maanta beenisay eedeymaha dalalka Reer Galbeedka ee ah inay qarisay xaddiga faafitaanka cudurka Coronavirus, waxayna sidoo kale ku gacan seertay tuhunada Mareykanka ee ah inay xiriir hoose la leedahay ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in dowladdiisa ay isku dayeyso inay go’aan ka gaarto haddii coronavirus uu asalkiisa ka yimid sheybaar ku yaalla magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha.
Sarkaal boolis ah iyo toddoba la tuhunsan yahay inay yihiin mintidiin ayaa Talaadadii lagu dilay is-rasaaseyn dhex martay kadib markii wasaaradda arrimaha gudaha ay heshay xogta weerar la rabay in lagu qaado Kirishtanka Kaniisadda Coptic, sida ay wasaaradda sheegtay.
Muran xooggan ayaa kala qeybiyey bulshada reer Falastiin, kadib markii kooxda Xamas oo maamusha magaalada Gaza ay xirtay lix qof oo lagu eedeeyey inay aaladda Zoom ee muuqaalka ah ay wadasheekeysi kula yeesheen dad ku sugan Israel.
Madaxweynaha Turkey Reccep Tayyip Erdogan ayaa Axaddii diiday inuu aqbalo is-casilaadda wasiirkiisa arrimaha gudaha oo ka dhalatay xanibaad deg deg ah oo dalka lagu soo rogay taasi oo hogaamisay in dadku ku cararaan dukaamada ayagoo argagaxsan.
Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in la xaqiijiyey sagaal qof oo hor leh oo ku sugan magaalada Muqdisho uu ku dhacay cudurka Coronavirus.
Burundi oo horey u sheegtay in sababta uusan usoo gaarin cudurka coronavirus ay tahay “inuu Ilaah bad-baadinayey”, ayaa hadda laga helay saddexdii kiis ee ugu horreysay. Hase yeeshee mas’uuliyiinta ayaa ku adkeysanaya in weli ay ku sugan yihiin “bad-baadada ilaah”.
Russia iyo dalalka OPEC ee Sacuudiga uu hoggaamiyo ayaa dejiyey qorshe ay wax soo saarkooda saliidda ceyriin ku dhimayaan 20%, kadib cadaadis ka yimid Mareykanka.
Madaxa Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa si adag u difaacay sida hay’addiisa ay ula tacaashay faafitaanka cudurka Coronavirus, isaga oo ka jawaabaya eedeynta madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo sheegay in laga yaabo inuu maal-gelinta ka jaro ururka.
Ciidamada Pakistan ayaa sheegay in diyaarad aan duuliye lahayn (Drone) oo ay leedahay India ay kusoo rideen Kashmir, ayada oo ay sii korortay xiisadda ka dhe oogan labada dal ee ka taagan xuduudda dhulka lagu muransan yahay.
Madaxweynaha Midowga Africa ayaa Ururka Caafimaadka Adduunka iyo hoggaankeeda ka difaacay weerar xooggan oo kaga yimid madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaasi oo Talaadadii ku hanjabay inuu ka joojinayo maal-gelinta.
Ra’iisul wasaaraha UK Boris Johnson ayaa weli ku sugan xaalad adag, isaga oo qeybta daryeelka deg degga ee isbitalka kula dagaalamaya cudurka Coronavirus, oo haleelay 10 maalmood ka hor.
Dowladda Mareykanka waxba kama ogeyn shixnad maaskarooyin ah oo loo waday dalka Jarmalka, taasi oo saraakiisha Berlin ay Mareykanka ku eedeeyeen inay ka leexsadeen garoonka diyaaradaha Bangkok, waxaa sidaas sheegtay afhayeen u hadashay safaaradda Mareykanka ee Thailand.
Ra’iisul waasraaha Britain Boris Johnson ayaa la dhigay isbital, isaga oo maraya tijaabooyin kadib markii 10 maalmood oo xiriir ah lagu arkayey astaamaha cuudrka Coronavirus.
Xanuunka COVID-19 ee uu dhaliyo Coronavirus ayaa faro ba’an ku haya qaar ka tirsan Soomaalida qurbaha, gaar ahaan kuwa ku nool Yurub, oo cudurka illaa iyo hadda uu ku dilay dad ku dhow 40 qof.
Nin u dhashay dalka Nigeria ayaa toogasho lagu dilay kadib markii lagu eedeeyey inuu jebiyey amarka guriga-joog ah, ee looga gol leeyahay in lagu xakameeyo faafitaanka cudurka Coronavirus, waxaa sidaas Jimcaha sheegay booliska iyo sharci-dejiye.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cafis u fidiyey 148 maxbuus oo u xukunnaa dambiyo fudud, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada.
Kuwo kale