Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo baaraya in Coronavirus si ku talo-gal ah loo abuuray


Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in dowladdiisa ay isku dayeyso inay go’aan ka gaarto haddii coronavirus uu asalkiisa ka yimid sheybaar ku yaalla magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha.

Sidoo kale xog-hayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa ugu baaqay Beijing “inay caddeyso” waxa ay ogtahay.

Asalka cudurkan ayaa weli ah mid aan la ogeyn. Hase yeeshee waxaa horey loo sheegay inuu ka dillaacay suuq xoolaha lagu iibiyo oo ku yaalla magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha, taasi oo Mareykanka ay shaki weyn ka qabaan.

Taleefishinka Fox News ayaa Arbcadii sheegay in fayruska uu ka yimid sheybaar ku yaalla Wuhan, balse aan looga dan lahayn in hub ahaan loo adeegsado ee uu qeyb ka ahaa dadaal Shiinaha ay ku muujinayaan awooddooda ah inay aqoonsan karaan oo ay fayrus ula dagaalami karaan si la mid ah ama ka awood badan Mareykanka.

Warbixintan iyo kuwa kale ayaa sheegay in qof uu fayruska ku qaaday sheybaarka kadib tegay suuq xoolaha lagu gowraco halkaasna uu ka billowdo faafitaanka.

Trump oo isaga oo shir jaraa’id ku qabtay Aqalka Cad wax laga weydiiyey arrintan ayaa sheegay inuu ka warhayo wararka sheegaya in fayruska uu kasoo baxsaday sheybaar ku yaalla Wuhan.

“Waan baari doonaa xaaladdan aadka u xun ee dhacday,” ayuu yiri Trump.

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo oo la hadlay Fox News kadib shirka jaraa’id ee Trump ayaa yiri “waxaan ognahay in fayruska uu ka yimid Wuhan. Islamarkaana sheybaarka Wuhan Institute Virology dhowr mile oo kaliya ayuu u jiraa suuqa xoolaha.”

“Waxaan ka dooneynaa dowladda Shiinaha inay is-furto, oo ay sharaxdo sida cudurkan u faafay, dowladda Shiinaha waa inay runta caddeyso,” ayuu yiri Pompeo.

Sheybaarka Wuhan Institute of Virology ayaa bishii Febraayo ku gacan seeray xanta ku saabsan in fayruska si ku talo-gal ah loogu abuuray halkaas, kadibna uu kasoo baxsaday.

REUTERS

XS
SM
MD
LG