Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Harry iyo Meghan oo xiriirka u jaray afar wargeys oo British ah


Amiir Harry iyo xaaskiisa Meghan ayaa Axaddii liiska madow ku daray afar ka mid ah jaraa’idada ugu weyn dalka Britain, ayaga oo ku eedeeyey inay ka qoreen sheekooyin “la dooriyey, been ah, iyo beegsi aan sabab lahayn.”

Warqad ayey u direen tifaftirayaasha Sun, Daily Mail, Mirror iyo Express, ayaa lamaanahan oo horey uga tegay xubinnimadooda qoyska Boqortooyada Britain, waxay ku sheegeen inay “wax la-macaamil ama sheeko la-wadaagid ah” ah la yeelan doonin wargeysyadan, sida uu qoray wargeyska The Guardian.

“Siyaasaddan ma ahan ka fogaanta in nala cambaareeyo. Ma ahan inaan joojineyno wada-hadallada dadweyne ama tifaftireyno sheeko sax ah,” ayaa lagu yiri nuqul ka mid ah warqadda oo uu daabacay wargeyska Financial Times.

Hase yeeshee Harry iyo Meghan ayaa sheegay inaysan dooneyn in loo adeegsado “lacag iyo dhaqaale laga sameeyo sheekooyin la dooriyey”.

“Waxaan aragnay dad aan naqaan iyo kuwa aynan weligeen la kulmin oo noloshooda loo burburiyey sabab la’aan, marka laga reebo sheekooyin xan ah oo sare loogu qaadayo dhaqaalaha xayeysiinta” ayey Harry iyo Meghan ku yiraahdeen warqadda, nuqulka uu daabacay wargeyska The Guardian.

Afarta wargeys ayaa warqadda ku qeexay “weerar aan horey loo arag, oo lagu qaaday qeyb ballaaran oo ka mid ah warbaahinta”.

Farriinta ay u direen tifaftirayaasha ayey Harry iyo Meghan ku sheegeen in siyaasaddooda cusub aysan saameyneyn dhammaan warbaahinta ayna sii wadi doonaan inay la shaqeeyaan suxufiyiinta kale ee caalamka.

AFP

XS
SM
MD
LG