Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Farmaajo oo cafis u fidiyey 148 maxbuus


Farmaajo

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cafis u fidiyey 148 maxbuus oo u xukunnaa dambiyo fudud, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada.

Qoraalka Villa Somalia ayaa lagu sheegay in tallaabadan “lagu xoojinayo dadaallada ku aaddan” ka hortagga faafitaanka cudurka Coronavirus.

“Madaxweynaha ayaa soo saaray xeerka cafinta xukumaneyaashan kaddib warbixin ku saabsan xaaladda maxaabiista dalka oo uu u soo gudbiyey Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Abuukaate Suleymaan Maxamed Maxamuud,” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia.

War-saxaafadeedka madaxtooyada ayaa waxaa kale oo lagu sheegay in la xaqiijiyey in maxaaiista la cafiyey aysan ahayn kuwo ku xukunnaa dambiyo culus.

Soomaaliya waxaa laga helay shan kiis oo ah xanuunka Covid-19, hase yeeshee adeegyada caafimaad ee waddanka oo aad u liita ayaa welwel ku haya khubarada caafimaadka.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG