Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nigeria: Nin jebiyey amarka guriga-joog oo toogasho lagu dilay


Booliska Nigeria
Booliska Nigeria

Nin u dhashay dalka Nigeria ayaa toogasho lagu dilay kadib markii lagu eedeeyey inuu jebiyey amarka guriga-joog ah, ee looga gol leeyahay in lagu xakameeyo faafitaanka cudurka Coronavirus, waxaa sidaas Jimcaha sheegay booliska iyo sharci-dejiye.

Nigeria ayaa soo rogtay tallaabooyin adag, oo ay ku jiraan magaalooyinka waa weyn oo la go’doomiyey, si la isugu dayo in la xakameeyo fayruska, oo dalkaas ku saameeyey 184 qof, oo laba ka mid ah ay u dhinteen.

Joseph Pessu, oo deganaa magaalada shidaalka laga soo saaro ee Warri ee gobolka Koonfureed ee Delta, ayaa waxaa Khamiistii dilay askari ka mid ah ciidanka magaalada loogu daadiyey inay dhaqan-geliyaan amarka guiga-joog ah.

“Dhacdadan waxay dhacday shalay xilli ay dhallinyaro banaan-baxayeen,” waxaa sidaas yiri afhayeenka booliska gobolka Onome Onowakpoyeya oo la hadlay AFP.

Dhallinyaro carreysan ayaa jidadka ku gubay taayaro, balse booliska ayaa dib usoo celiyey xasiloonida, sida uu sheegay.

Bayaan oo uu goor dambe oo khamistii ahayd soo saaray, ayaa sharci-dejiye matala deegaanka waxa uu ku cambaareeyey dhacdadan, wuxuuna ku baaqay in la maxkamadeeyo kuwa gaystay.

“Kuwa sharciga u ogolaaday siiyey inay hubka qaataan si ay u difaacaan qaranka, waa inay fahmaan in tani ay la socoto mas’uuliyad, gaar ahaan marka nolosha bani’aadamka ay tahay mid aad u qiimo badan,” ayuu yiri Senator Senator Ovie Omo-Agege.

“Dilka ka dhacay Warri…waa mid xitaa haddii hal uu yahay aad u badan, sababtoo ah arirntan ma ahayn inay hoggaamiso, wax aniga fikir ahaan ay ila tahay inuu ahaa dil ka baxsan sharciga.”

Waxa uu intaas ku daray inuu maqlay in askariga dilay Pessu la xiray. Wuxuu ku baaqay baaritaan dhameystiran iyo ciqaabta qof kasta oo mas’uul ka ahaa.

AFP

XS
SM
MD
LG