Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tedros Adhanom oo baaq u diray Mareykanka


Tedros Adhanom Ghebreyesus
Tedros Adhanom Ghebreyesus

Madaxa Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegay inuu rajeynayo in Mareykanka uu dib uga fiirsado go’aanka uu ku joojiyey lacagtii uu ku maal-gelin jiray ururka, hase yeeshee, ahmiyaddiisa koowaad ay iminka tahay joojinta cudurka saf-mareenka ah ee Coronavirus iyo bad-baadinta nolosha.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa toddobaadkii tegay cambaareeyey sida WHO ay ula tacaashay faafitaanka cudurka Coronavirus, wuxuuna ku dhowaaqay in maamulkiisa hakinayo lacagta uu siiyo ururka.

“Waxaan rajeynayaa in hakinta maal-gelinta dib looga fiirsan doono, islamarkaana Mareykanka ay mar kale taageeri doonaan shaqada WHO, siina wadi doonaan inay nolol bad-baadyaan,” ayuu yiri Tedros.

“Waxaan rajeynayaa in Mareykanka ay rumeysan yihiin in tani ay tahay maal-gelin muhiim ah, ma ahan kaliya inay dad kale caawinayaan ee waxay sidoo kale qeyb ka tahay bad-baadinta Mareykanka.”

Tedros ayaa sheegay in dalal badan uu faafitaanka cudurka bilow ka yahay iminka un, ayna sugeyso waddo dheer.

“Waxaa jira astaamo sare u kac oo walaac leh oo ka muuqda qeybo ka mid ah Africa iyo bartamaha iyo koonfurta America,” ayuu yiri Tedros Adhanom.

“Dalalkan badankood waxay ku jiraan marxaladaha hore ee faafitaanka cudurka, waxaana qaarkood hadda sare uga kacaya kiisaska,” ayuu Tedros u sheegay weriyayaasha isaga oo ku sugan magaalada Geneva.

Dhinaca kale, Xoghayaha arrimaha Dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa shalay ku celiyey in Mareykanka uu si xooggan u rumeysan yahay in xisbiga shuuciga ah ee maamul Shiinaha ay ku guul-darreysteen inay faafitaanka cudurka ku war-geliyaan WHO waqti hore.

REUTERS

XS
SM
MD
LG