Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: R/W Cabdi Faarax Shirdoon Saacid


Cabdi Faarax Shirdoon Saacid
Cabdi Faarax Shirdoon Saacid

VOA-da ayaa weydiisay ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid caqabadda dowladda ka heysata ka hortagista weerarada ka dhanka ah hoteellada.

Weerarkii axaddii la soo dhaafay ka dhacay Magaalada Muqdisho ee ay ku dhinteen 15-ka qof 20-ka kalena ay ku dhaawacmeen ayaa muujinaya in weli maleeshiyada ururka Al-Shabaab ay halis dhinaca amniga ah ku hayso magaalada.

Waxa uu weerarkaas oo lala beegsaday hotel Saxafi, ahaa kii ugu dambeeyey weeraro soo noqnoqday oo Al-Shabaab ay ku beegsaneyso hoteellada Muqdisho, kuwaas oo ay ku dishay shacab badan iyo mas’uuliyiin.
Hadaba Maxay tahay caqabadda dowladda ka heysata ka hortagista weerarada noocan ah.

Wariyeheenna Maxamed Colaad Xasan ayaa su’aashaas iyo kuwo kaleba weydiiyay Ra’isul Wasaarihii hore ee Somalia Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo uu kula xiriiray khadka taleefanka ee Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Wareysiga ayuu ra’iisul wasaaraha waxaa uu ugu horeyn kaga hadlayaa waxa uu ka yaqaan, allaha u naxariistii, Abbaanduullihi hore ee ciidamada Xoogga Dalka Somalia, Jeneraal Cabdikariim Yuusuf Dahagabadan, Xildhibaan Cabdi Maxamed Abtidoon oo baarlamanka ka tirsanaa iyo Milkiilihii Hoteelka Saxafi ee uu weerarka ka dhacay, Cabdirashiid Shire Ilqayte, oo ka mid ahaa dadkii ku dhintay weerarka.

Wareysi: Ra'iisul Wasaare Saacid
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:28 0:00

XS
SM
MD
LG