Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhimashada Weerarkii Saxafi Oo Korortay


Qaraxii huteelka Suxufi
Qaraxii huteelka Suxufi

Weriye Feysal Cumar oo weerarka ku dhaawacmay ayaa sidoo kale VOA u sheegay in qatar cusub ay tahay baabuurta jidadka la dhigo oo qaraxa koowaad kadib la qarxiyo.

Tirada dadka ku dhintay weerarkii shalay ay maleeshiyada Al-Shabaab ku qaadday Hoteelka Saxafi ee magaalada Muqdisho ayaa kor u kacday, sida ay sheegayaan mas’uuliyiinta.

Mas’uuliyiinta iyo ilaha caafimaadka ee Muqdisho ayaa tiradii ugu dambeysay ee dadka weerarka ku geeriyooday waxa ay ku sheegayaan inay iminka tahay 15 qof, in ka badan 20 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadka ku dhaawacmay weerarka waxaa ka mid ahaa weriye Faysal Cumar oo oo ah sawri-qaade, halka weriye kale oo ay isla socdeenna uu ku dhintay.

Feysal oo wareysi siiyey VOA-da ayaa sheegay in maleeshiyadii weerarka soo qaadday markii ay koreen dabaqa hotel Saxafi ay billaabeen inay rasaas ku furaan dadkii joogay bannaanka hotel-ka.

Waxa kale oo uu sheegay in weriyhii saaxiibkiis ahaa ee la socday uu ku geeriyooday baabuur uu gabbaad ka dhigtay markii ay rasaasta ka soo cararaeen kaasi oo ku qarxay.

Sahra Cabdi Axmed ayuu uga warramaya sida ay wax u dhaceen.

Dhageyso Wareysiga Weriye Feysal
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:33 0:00

XS
SM
MD
LG