Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kerry Oo La Kulmay Madaxda Kazakhstan


Madaxweyne Nazarbayev ayaa sheegay inuu aad uga mahad-celinayo taageerada Mareykanka ee maamulka iyo horumarka dhaqaale ee Kazakhstan.

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka John Kerry ayaa maanta la kulmay madaxweynaha Kazakhstan Nursultan Nazarbayen, isaga oo ku guda jira maalintii saddexaad booqasho uu ku marayo Bartamaha Asia.

Madaxweyne Nazarbayev ayaa sheegay inuu aad uga mahad-celinayo taageerada Mareykanka ee maamulka iyo horumarka dhaqaale ee Kazakhstan.

Kerry oo qorshihiisu yahay inuu adkeeyo xiriirka dhaqaale iyo kan amniga ee Mareykanka uu la lee yahay gobolka, ayaa sidoo kale la kulmay wasiirka arrimaha dibedda Kazakhstan Erlan Idrissove.

Axaddii ayaaa Kerry waxa uu dalka Uzbekistan kula kulmay hoggaamiyayaasha shan dal oo horey uga mid ahaa Midowgii Soviet, kuwaasi oo kala ah: Kazakhstan, Kyrgyzstan, Tajikistan, Turkmenistan iyo Uzbekistan.

Dhammaan dalalkaas ayaa waxa ay aad uga walaacsan yihiin dib usoo xoogeysashada kooxda Daalibaan ee dalka Afghanistan iyo in dad kasoo jeeda dalalkaas ay ku biiraan kooxaha Islaamiyiinta sida Daacish.

XS
SM
MD
LG