Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Siilaanyo Oo Gudi U Magacaabay Khilaafka


Siilaanyo
Siilaanyo

Guddiga uu magacaabay Siilaanyo oo ka kooban shan xubnood ayaa waxa ay ka shaqeyn doonaan sidii loo hubin lahaa arrimaha ay isku hayaan xubnaha xisbiga Kulmiye ee khilaafka dhaliyey.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa markii u horreysay khilaafka ka dhex aloosan xisbiga Kulmiye u magacaabay guddi ka kooban shan xubnood.

Khilaafka Kulmiye ayaa keenay in dhowr wasiir ay iska casilaan xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, ayaga oo madaxweynaha ku eedeeyey inuu la kala saftay dhinacyada isku haya ciddii noqon lahayd musharraxa xisbiga ee doorashada madaxweynaha.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa guddigaas soo magacaabay kaddib markii uu maalmahan shirar gooni gooni ah la lahaa labada dhinac ee ku muransan hanaanka diyaarinta xubnaha golaha dhexe ee xisbiga.

Guddiga uu magacaabay madaxweyne Siilaanyo ayaa waxa ay ka shaqayn doonaan hubinta arrimaha ay cabashadu ka taagan tahay ee shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye.

Wariyaha VOA ee Hargeisa Cabdixakiim Maxamuud Shirwac ayaa warkan nooga soo diray magaalada Hargeysa.

Siilaanyo oo guddi magacaabay
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:41 0:00

XS
SM
MD
LG