Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doorashada Turkiga: AK oo Guul Gaaray


Turkey Election
Turkey Election

Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka ee dalka Turkiga ayaa gaadhay guul aad u sarraysa doorashadii baarlamaanka ee dalkaas ka dhacday shalay oo Axad ahayd, waxaana guushani xisbigaas u horseedday inuu markale keligiis xukuumad soo dhisi karo

Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka ee dalka Turkiga ee Madaxweyne Erdogan ayaa gaadhay guul aad u sarraysa doorashadii baarlamaanka ee dalkaas ka dhacday shalay oo Axad ahayd, waxaana guushani xisbigaas u horseedday inuu markale keligiis xukuumad soo dhisi karo.

Dalka ayaa soo maray shan bilood oo qalalaase ka taagnaa ka dib markii xisbina uu heli waayay codad uu ku soo dhiso xukuumad, isla markaana xisbiyadu ay isla fahmi waayeen qaabka ay u soo dhisi karaan xukuumad wadaag ah.

Xisbiga AK ayaa ku guulaystay in 49% kuraastii baalmakaanka kuwaas oo gaadhaya illaa 316 kursi oo ka mida 550-ka kursi ee golaha baarlamaanka dalkaasi ka kooban yahay, taas oo aad uga sarraysa guushii la saadaalinayey markii hore.

XS
SM
MD
LG