Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weerarkii Saxafi Oo Dhimashadu Mareyso 10


Huteelka Suxufi
Huteelka Suxufi

Wasiirka amniga dowladda federaalka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa VOA u sheegay in weerarkaasi ay ku luglahayeen lix ka tirsanaa maleeshiyada Alshabaab oo adeegsaay labo gaari oo laga soo bixiyey walxa qarxa.

Wasiirka ayaa sheegay in dhammaan raggii weerarka soo qaaday uu ciidanku dilay, kuwaasoo sitay deriska ciidanka Burundi.

Dadka dhinatay waxaa ku jiray jeneraal Cabdikariiin Yuusuf Dhagabadan abaanduulihii hore ee ciidanka xoogga Soomaaliyed, Cabdi Maxamed Abtidoon oo ahaa xubin ka tirsan golaha baarlamaanka horay u soo noqday wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashandhigga iyo milkiilihii huteelka uu weerarku ka dhacay ee saxafi Cabdirashiid Shire Ilqeyte.

Wasiirka amniga ayaa sidoo kale sheegay in ciidanku uu soo badbaadiyey dad kor u dhaafaya illa 40 qof oo ka mid ahaa dadkii degganaa huteelka la weeraray oo muddo halkaasi ku xannibnaa.

Qaraxii huteelka Suxufi
Qaraxii huteelka Suxufi

Suxufi Huteel
Suxufi Huteel

XS
SM
MD
LG