Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM Oo Cambeereysay Weerarkii Hotel Saxafi


Xubnaha golaha ammaanka ayaa Soomaaliya u ballan qaaday in weerarada noocan oo kale ah aysan joojin doonin taageerada ay siiyaan dadaallada ay Soomaaliya ku raadineyso nabad iyo xasillooni ballaaran.

Golaha Ammaanka ee QM ayaa cambaareeyey weerarkii mintidiinta kooxda Al-Shabaab ay axaddii ku qaadeen hoteelka Saxafi ee magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu dilay 12 qof oo uu ku jiro taliyihii hore ee ciidamada xoogga dalka Jeneraal Dhegobadan iyo milkiilihii hotel-ka Cabdirashiid Shire Ilqeyte.

Golaha waxa uu amaanay jawaabtii ay ciidamada Soomaaliya ka bixiyeen weerarka, kuwaas oo dilay dhammaan xubnihii weerarka soo qaaday.

Golaha Ammaanka waxa uu tilmaamay in argagaxisada nooc kasta iyo muuqaal kasta oo ay leedahayba ay tahay halista ugu weyn ee nabadda dunida ay wajaheyso.

“Xubnaha golaha ammaanka waxa ay ku celinayaan inay ka go’an tahay taageerada ay siinayaan u gudubka Soomaaliya ee nabad iyo xasillooni ballaaran. Waxaan hoosta ka xariiqeynaa in weerarkan iyo mid la mid ahba uusan wiiqi dooni go’aankaas” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay golaha.

XS
SM
MD
LG