Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Musrarraxiin Diiday Shirka Xisbiga Kulmiye


Cabdicasiis Maxamed Samaale, Maxamed Biixi Yoonis iyo Axmed Cabdi Kijaandhe ayaa sheegay in kulanka Xisbiga Kulmiye uu afduuban yahay.

Saddex musharax oo ka mid ah musharraxiinta ku tartamaya jagada madaxweyne ee xisbiga Kulmiye dhexdiisa ayaa sheegay inaysan ka qeyb gali doonin shirka golaha dhexe ee xisbiga ee dhacaya bishan

Musharraxiintan oo kala ah Cabdicasiis Maxamed Samaale, Maxamed Biixi Yoonis iyo Axmed Cabdi Kijaandhe oo maanta kulan qado ah isugu yeedhay taageerayaashooda ayaa sheegay in kulanka xisbiga uu afduuban yahay.

Waxa ay sidoo kale ku gacan saydheen guddi uu xalay madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo u magacaabay inay xal u raadiyaan murankan xisbiga ka dhex aloolsan.

Guddigaas oo shan xubnood ka kooban ayaa madaxweyne Siilaanyo waxa uu sheegay in howshooda ay noqon doonto inay baaraan oo ay kadibna xaliyaan waxyaabaha khilaafka xisbiga Kulmiye dhaliyey.

Saddexdan musharrax ayaa magaalada Hargeysa ugu warramay weriyaha VOA ee Hargeysa Cabdixakiim Maxamuud Shirwac.

XS
SM
MD
LG