Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warar Cusub oo Ka Soo Baxaya Khasaaraha Dagaalkii Halgan


Shabaab
Shabaab

Xaaladda deegaanka Halgan ee Gobalka Hiiraan ayaa xalay iyo maanta daganeed kadib dagaal culus oo shalay ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ahAmisom iyo maleeshiyaadka al-Shabaab ku dhex maray.

Tirada dhimashada labada dhinac wali xaqiiqo looma hayo. Gudoomiyaha maamulka deegaanka Halgan Guhaad Cabdi Warsame waxa uu VOA u sheegay in markii ay soo ururiyeen meydadka dadkii ay al-Shabab ka dileen in tiradoodu ay ka badan tahay 290 qof, Al-Shabaabna waxa ay dhankooda sheeganayaan in ay dileen in ka badan 60 askari oo badan kood Ethiopian ah.

Ilo xog ogaal ah oo ka madax banaan labada dhinac ayaa VOA u xaqiijiyay meydadka al-Shabaab oo ay indhahooda ku arkeen ay tiradooda gaareyso ilaa 110, gudaha Halgan iyo hareeraheeda.

VOA ayaa ogaatay in Baledweyne la gaarsiyay meydad ciidan Ethiopian ah oo gaaraya ilaa 33 askari iyo dhaawaca in ku dhow ilaa 64 askari, walow Amisom Ethiopia iyo masuuliyiinta dowlada ay ku adkeysteen in khasaaraha ciidamada isgarabsanaya uu aad u yar yahay.

Dadka shacabka ah ee ku dhintay dagaalkii Halgan ayaa tiradoodu waxaa ay gaartay 9 qof iyo dhaawac 26 kale waxaana ku jira carruur.

Dhaqdhaqaaqa ganaacsiga Halgan ayaa maanta dib caadi ugu soo noqday inkastoo dadka shacabka ay bilaabeen in ay ka barakacaan Magaalada.

Dhinaca kale Ciidama Ethiopia ayaa maanta dhaqdhaqaaq ka billaabay dhanka galbeed ee Hiiraan inta u dhaxeysa Ceel Cali iyo Buq Aqable. Xaaladda degaannadaas ayaa weli kacsan kadib dagaalkii Halgan.

XS
SM
MD
LG