Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo Weerartay Saldhigga Itoobiya ee Halgan


FILE - Al-Shabab fighters are seen marching with their weapons during exercises on the outskirts of Mogadishu, Somalia, Feb. 17, 2011. The Pentagon says a U.S. airstrike against al-Shabab in Somalia last Saturday killed more than 150 militants.
FILE - Al-Shabab fighters are seen marching with their weapons during exercises on the outskirts of Mogadishu, Somalia, Feb. 17, 2011. The Pentagon says a U.S. airstrike against al-Shabab in Somalia last Saturday killed more than 150 militants.

Maleeshiyada al-Shabaab ayaa weerar culus saaka ku qaaday saldhig military oo ciidamada Ethiopia ay ku leeyihiin tuulada Halgan ee gobolka Hiiraan.

Weerarkaasi ayaa ku bilowday qarax baabuur, kadibna maleeshiyo hubeysan ayaa dagaal adag la galay cidamada Ethiopia iyo kuwo Soomaali ah oo halkaasi ku sugan.

Sarkaal ka tirsan milatariga Soomaaliya oo magaciisa qariyey ayaa VOA u sheegay in maleeshiyada Al-Shabab ay soo gaadheen cidhifka saldhigga Itoobiyaanka oo ku yaalla Koonfurta tuulada, ayna kasoo weerareen laba dhinac oo kala ah Bariga iyo Waqooyiga.

Waxa uu sarkaalkaasi sheegay in ciidamada Itoobiya ay u babacdhigeen maleeshiyada Al-Shabaab, waxana uu intaasi ku daray in diyaarado helikobtarro ah ay usoo gurmadeen ciidamada Itoobiya.

AMISOM waxay sheegtay in 110 maleeshiyada al-Shabaab ah ay dagaalkaasi ku dishay, halka maleeshiyiada al-Shabaab ay sheegatay dhinaceeda inay dagaalkaasi ku dishay 60 askarta Ethiopia ah.

Ma jirto cid madax banaan oo xaqiijin karta sheegashada labada dhinac.

Qaar ka tirsan dadka dagan Halgan ayaa sheegay in 5 qof oo rayid ah ay ku dhinteen rasaas iyo madaafiic guryadhooda ugu soo galay.

Weriyaheena Jamaacl Axmed Cismaan ayaa khadka taleefonka ee Halgan ku wareystan Guhaad Cabdi Warsame oo ah guddoomiyaha Halgan.

Al-Shabaab oo weeraray Halgan
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:48 0:00

XS
SM
MD
LG