Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mintidiinta Kurdish-ka oo Sheegtay Mas'uuliyadda Weeraradii Turkiga


Mintidiinta kooxda Kurdish-ka ee PKK ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkii dhimashada lahaa ee Arbacadii lagu qaaday saldhig ku yaalla Koonfurta Bari ee Turkiga oo lagu dilay lix qof.

“Weerar ismiidaamin ah oo weyn ayaa lagu qaaday xarunta booliiska maamulka fashiistaha ah ee magaalada Midyat ee gobolka Mardin” ayaa lagu yiri hadal qoraal ah oo kasoo baxay kooxda PKK.

Weerarkaas ka dhacay magaalada Kurdish-ka ay ku badan yihiin ee Midyat, ayaa sidoo kale lagu dhaawacay 30 qof.

PKK ayaa beegsaneysa booliiska iyo milatariga Turkish-ka tan iyo markii sanaddii tagtay ay burburtay xabad joojin u dhaxeysay kooxdaas iyo dowladda Turkiga.

Dhinaca kale, kooxda kale ee Kurdish-ka ah ee TAK ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar kale oo isna dhacay Talaadadii, kaasi oo lagu dilay 11 qof oo ay ku jiraan saraakiil boolis.

XS
SM
MD
LG