Maleeshiyada al-Shabaab ayaa shalay weerar culus ku qaaday saldhig military oo ciidamada Ethiopia ay ku leeyihiin degmada Halgan ee gobolka Hiiraan.
Weerarkaasi ayaa ku billowday qarax baabuur, kadibna maleeshiyo hubeysan ayaa dagaal adag la galay cidamada Ethiopia iyo kuwo Soomaali ah oo halkaasi ku sugan.
AMISOM waxay sheegtay in 110 maleeshiyada al-Shabaab ah ay dagaalkaasi ku dishay, halka dowladda Soomaaliya ay sheegtay in 240 al-Shabaab ah la dilay. Laakiin maleeshiyada al-Shabaab ayaa dhinaceeda sheegatay inay dagaalkaasi ku dishay 60 askarta Ethiopia ah.
Ma jirto cid madax banaan oo xaqiijin karta sheegashada labada dhinac.
Haddaba weriyaheena Falastiin Axmed Iiman ayaa khadka telephone-ka ku waraysatay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed (Dabageed) oo sheegay inuu soo xaqiijiyay tirada ka dhimatay labada dhinac ee dagaalamay iyo hubka laga qabsaday al-Shabaab.