Isku xirrada

War Deg-Deg ah

NISA oo ka Hadashay Xariga Suxufiyiinta


Cawil Daahir Salaad
Cawil Daahir Salaad

Hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA, ayaa faafaahin ka bixisay sababaha ay u xirtay xarunta TV-ga Universal ee Muqdisho iyo shaqaalihii ka shaqeynayey.

Warsaxaafadeed kasoo baxay NISA, ayaa lagu sheegay in weriyayaasha xiran iyo TV-ga Universal ay baahiyeen warar ay ku sheegtay inay been abuur yihiin oo ka dhan ah dowladda.

Waxaa kale oo NISA ay ku doodday in TV-ga Universal aysan ku haysan oo kaliya hal barnaamij oo ka baxay, balse ay jiraan warar iyo barnaamijyo dhowr ah.

Taleefishinka Universal, weli kama aysan jawaabin eedeymahan ay NISA u sababeysay xariga weriyayaashooda iyo xafiiskooda Muqdisho.

Xariga suxufiyiinta iyo xarunta TV-ga Universal ee Muqdisho, ayaa waxaa cambaareeyey arrimo fuliyaha Maraykanka ee Soomaaliya David H. Kaeuper, ururka xuquuqda weriyayaasha ee CPJ, iyo difaacayaasyha xuquuqda aadanaha ee bariga iyo geeska Africa.

Dhammaan dhinacyadan, ayaa ku baaqay in la ixtiraamo xorriyadda warbaahinta, islamarkaana si shuruud la’aan ah loo sii daayo suxfiyiinta xiran.

XS
SM
MD
LG