Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bankiga Baydhaba oo Dib Loo Furayo


Baidoa, Somalia
Baidoa, Somalia

Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, ayaa wada qorshe dib loogu furayo bankiga magaalada Baydhaba oo muddo ka badan 24 sano xirnaa.

Waxaa iminka socda dayactir xooggan oo dhismaha bankiga lagu sameynayo, ayada oo sida qorshaha uu yahay bankiga dib loo furi doono marka dayactirka uu dhammaado.

Dayactirka Bankiga, ayaa waxaa maamulka Koonfur Galbeed ka gacan siiyey dowladda Denmark.

Wasiirka maaliyadda maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia Sheekh Xasan Ibrahim, oo wareysi siiyey idaacadda VOA-da, ayaa sheegay in furitaanka Bankiga looga maarmi doono in maamulka uu adeegsado bankiyada sida gaarka ah loo lee yahay.

Muqtaar Catoosh, ayaa warbixin arirntan ku saabsan kasoo diray Baydhaba.

Furitaanka Bankiga Baydhaba
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:33 0:00

XS
SM
MD
LG