Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hargeysa: Yemeni Isku Hor Gubay UNHCR


Goobjoogayaal ayaa VOA-da sheegay in qofkani uu ka mid ahaa dad qaxooti ah oo ka soo cararay dagaallada dalka Yemen ka socda.

Wararka ka imanaya magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa sheegaya in qof la sheegay inuu qaxooti yahay uu isku gubay meel u dhow dhismaha ay deggan tahay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan dhinaca Qaxootiga ee UNHCR.

Qofkan ayaa dad goobjoogayaal ah oo VOA la hadlay waxa ay ku sheegeen inuu u dhashay dalka Yemen.

Goobjoogayaasha ayaa iyaguna sheegay in qofkani uu ka mid ahaa dad qaxooti ah oo ka soo cararay dagaallada dalka Yemen ka socda.

Illaa hadda ma jirto cid si rasmi ah arrintan uga hadashay oo tirsan UNHCR iyo xukuumadda Somaliland.

Somaliland waxaa ku sugan qaxooti tiro badan oo ka soo cararay dagaallada dalka Yemen. Warbixino ay xilliyo hore soo saareen qaar ka mid ah hay’adaha xuquuqda aadanaha ee Somaliland ku sugan ayaa ka dayriyey xaaladda nololeed ee qaar ka mid ah qaxootiga Yemenida ah.

Weriyaheena Barkhad Maxamuud Kaariye, ayaan ka warreysanay arrintan.

Wareysi: Barkhad
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:07 0:00

XS
SM
MD
LG