Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iska-horimaad Dhexmaray Ciidanka Dawladda


Ugu yaraan hal askari ayaa dhintay, mid kalena waa uu dhawacmay kadib markii rasaas ay isku weydaarsadeen magaalada Muqdisho laba dhinac oo ka tirsan ciidamada dawladda Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa VOA u sheegay in iska horimaadkan uu ka dhacay agagaarka suuqa Bakaaraha.

Rasaasta ayaa la sheegay inay is weydaarsadeen ciidan ilalainayey shaqaaaha canshuur ururinta iyo kuwo kale oo ka tirsan laamaha amniga oo ku sugnaa Isgoyska Bakaaraha.

Ciidamo saddexaad oo ka tirsan dawladda ayaa sheegay inay ugu dambayn kala dhexgaleen ciidamada isku dhacay, xaaladduna caadi kusoo laabatay.

XS
SM
MD
LG