Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doorka Britain ee Arrimaha Soomaaliya


Safiirka Britain ee Somalia
Safiirka Britain ee Somalia

Safiirka Dalka Britian ee Somalia, Harriet Mathews oo booqasho ku joogta Magaalada Muqdisho ayaa maanta shir jaraa’id oo ay qabatay kaga hadashay doorka Britian ee arrimaha Somalia.

Safiirka Dalka Britian ee Somalia, Harriet Mathews oo booqasho ku joogta Magaalada Muqdisho ayaa maanta shir jaraa’id oo ay qabatay kaga hadashay doorka Britian ee arrimaha Somalia, iyo waxyaabihii ay isla soo qaadeen kulamo ay la yeelatay madaxda Somalia.

Shirkeeda Jaraa’id ayey Harriet Mathews, waxey ku xustay waxyaabihii laga yiri shirkii Sabtidii soo gabagaboobay ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, dhawaaqii dhawaan ka soo yeeray dowladda Britain ee ku aadanaa inay ciidamo u soo direyso Somalia, iyo kaalinta dowladda Britain ay ku leedahay gargaarka Somalia.

“Hadda waxaanu u baahanahay inaan u wada shaqeyno sida dalal bahwadaag ah, inagoo kaashaneyna beesha caalamka, dhamaan dhinacyada ay ka go’do siyaasadda Somalia, si doorashada soo socota ay u noqoto mid loo dhan yahay, xalaal miiradnimo ku timaada, waqtigeedana ku qabsoonta.” Ayay tiri.

Mar ay ka hadleysa dhinaca gargaarka bani aadnimo ayey ambassador Harriet, waxa ay sheegay in Gobolka Geeska Africa ay ku soo wajahan yihiin dabeylaha Ilnion, sidaa daraadeedna ay dowladda Somalia iyo hey’adaha gargaarka ee Somalia ka howlgala kala shaqeynayaan sidii loogu sii tabaabusheysan lahaa dhibaato kasta oo ay dabeyshan la timaado.

“Dabeysha Ilnimo ayaa nagu soo food leh, waana waqti adag oo aan u baahannahay inaan u sii diyaar garowno, dowladda UK waxey ugu deeqday ka hortagisteeda lacag gaareysa 15 milyan ee dollar oo lagu caawinayo in dadku ay dhistaan biyo xireenada wabiga jiinkiisa ah, iyo inay cunto ku sii keydsadaan dadka noloshoodu beeraha ku xiran tahay.”

Dhinaca Siyaasadda, Ambassador Harriet Mathews, waxey sheegtay in sanadkan soo socdaa uu yahay sanad ay dowladda Somalia caqabado badan horyaalaan gaar ahaan hirgelinta doorashooyinka, wax ka qabashada amaanka iyo dhameystirka maamulada gobollada.

“Sanadka soo socdaa Somalia caqabado waa weyn ayaa horyaala, dowladda UK waxey diyaar u tahay inay gacan ka geysato, dhawaaqii ra’isul wasaaraha Britian David Cameron ee ahaa inuu 70 askari oo british ah u dirayo Somalia, waxa ay qeyb ka tahay dadaalka bani aadmimo iyo kaalmada siyaasadeed ee Britian ee Somalia,” ayay tiri.

David Cameron Ra’isul wasaaraha Uk ayaa Somalia ku darsaday mudnaanta siyaasadda dowladiisa ee Arrimaha Dibadda.

Waxa uu Magaalada London ku marti geliyay shirar caalami ah oo Arrimaha Somalia looga hadlayay sanadihii 2012-kii iyo 2013-kii, qaar ka mid ah saraakiisha sar sare ee dowladiida ayaa booqday Muqdisho, si ey u muujiyaan in Britain ay daneyneyso Arrimaha Somalia.

Sidoo kale, David Cameroon waxa uu todobaadkii la soo dhaafay ku dhawaaqay inuu ciidamo u dirayo Somalia.

XS
SM
MD
LG