Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA iyo CPJ oo Xariga Suxufiyiinta ka Hadlay


State Department - LOGO
State Department - LOGO

Arirmo fuliyaha Maraykanka ee Soomaaliya David H. Kaeuper, ayaa cambaareeyey xariga weriyayaasha iyo xidhitaanka telefiishanka UNIVERSAL TV ee magaalada Muqdisho.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa twitter, ayaa Kaeuper waxa uu ku sheegay inuu ka walaacsan yahay xariga Cawil Daahir Salaad iyo Cabdullahi Xersi Kulmiye.

Mr. Kaeuper, ayaa sidoo kale ku baaqay in la ixtiraamo xorriyadda waxrbaahinta.

Xarigga suxufiyiinta, ayaa waxaa dhinaca kalena ka hadlay ururka xuquuqda werriyayaasha ee CPJ, oo aad u cambaareeyey.

“Waanu cambaareyneynaa xariga Cabdullahi Xirsi iyo Cawil Daahir Salaad iyo shaqo joojinta lagu sammeeyey taleefishinka Universal” ayuu yiri wakiilka CPJ ee Bariga Afrika Tom Rhodes.

Rhodes, ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya inay joojiyaan dhibaateynta joogtada ah oo ay ku hayaan suxufiyiinta ayna ixtiraamaan xorriyadda warbaahinta ee lagu qeexay dastuurka dalka.

XS
SM
MD
LG