Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muran ka Taagan Barlamanka K/Galbeed


Khilaaf xooggan ayaa ka taagan qaabka loo soo xulayo mudanayaasha Baarlamanka maamulka Koofur Galbeed, ayada oo xildhibaanno ka tirasan baarlamanka Soomaaliya, ay arrintan ku lug lee yihiin.

Xildhibaanno dhowaan tagay degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool, ayaa sheegay inay la kulmeen dadka deegaanka, kuwaasi oo cabasho ka muujiyey hannaanka loo xulayo xildhibaannada, kadibna go’aan ku gaaray inay maamulka ka baxaan.

Xildhibaannadaas waxaa ka mid ah xildhibaan Heerow Iidle, oo sheegay in degmooyin ka mid ah gobolka oo beeshiisa ay degto ay ka go’een maamulka Koonfur Galbeed loona dhisayo maamul KMG ah oo hoos taga dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale xildhibaan Aadan Saransoor oo ka mid ah xildhibaannada isna kasoo jeeda gobolka Bakool, ayaa ku dooday in meel ay wada degaan beelo kala duwan aysan aayaheeda go’aamin karin hal beel.

Warbixin arrintan ku saabsan, waxaa noo soo direy wariyaheena Muqtaar Mohamed Catoosh.

XS
SM
MD
LG