Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Diyaarado Duqeymo Ka Geestay Buuraha Galgala


Wararka ka imanaya buuraha Galgala ayaa sheegaya in 3-dii habeen ee u dambeeyay ay diyaarado aan haybtooda la aqoon ay duqaymo ka geysanayaan deegaanadaasi.

Dadka degaanka ayaa VOA u sheegay in diyaaradahan ay ka imanayaan dhinaca badda, ayada oo aan la aqoon dalka laga lee yahay.

Sida ay ku warramayaan dadka deegaanka, duqeymaha qaarkood ay saameeyeen goobaha dadka shacabka iyo xoolo, inkasta oo aysan caddeyn khasaaraha dhabta ah ee halkaas ka dhashay..

Goob jooge ku sugan deegaanka oo magaciisa ka gaabsaday in la shaaciyo (Sababo dhinaca ammaanka awgood ah) ayaa khadka taleefoonka ugu warramay Xuseen Barre.

Diyaarado duqeeyey Galgala
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:07 0:00

XS
SM
MD
LG