Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warshad Sameysa Dharka Ciidamada oo la Dhisayo


Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Cali Diini ayaa dhagax dhigay warshad sameyn doonta dharka ciidamada.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Cali Diini ayaa dhagax dhigay warshad sameyn doonta dharka ciidamada.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Cali Diini ayaa maanta dhagax dhigay warshad cusub oo sameyn doonta qalabka ciidamada oo laga dhisayo magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Cali Diini ayaa maanta dhagax dhigay warshad cusub oo sameyn doonta qalabka ciidamada oo laga dhisayo magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Warshaddan, ayaa waxaa dhismaheeda gacan ka geysanaya dowladda Turkiga, sida lagu sheegay war kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

Sida ay sheegtay wasaraadda, warshaddan ayaa waxa ay ciidamada ka saacidi doontaa baahida labiska dharka ee hayasata ciidamada Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in dharka isku wada midka ah ee warashaddan ay soo saari doonto ay ka hortagi doonto in dharka ciidamada ay galaan “Gacanta Cadowga”.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Cali Diini, ayaa sheegay in mashruucan lagu soo geba gebeyn doono lixda bilood ee ugu horeysa sanadkan.

“Maanta waa maalin taariikhi ah waxaan dhagax dhignay warshaddii ciidamada u toli lahayd dharka, waxaan rajeynayaa in warshadani ay anfacdo dalka oo dhan. Warshaddan waxaa noogu deeqay dawladda Turkiga oo mahad uga celinayno” ayuu yiri Wasiir Diini.

Dharka ciidamada Soomaaliya, ayaa waxaa inta badan hela maleeshiyada Al-Shabaab, waxaana marar badan dhacday in rag ku hubeysan dharka askarta ay gesyteen weeraro.

XS
SM
MD
LG