Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka "Waan U Dignay Saudi Arabia"


Afhayeenka aqalka Cad Josh Earnest ayaa sheegay inay Sacuudiga uga digeen cawaaqibka ka dhalan kara dilka Sheekh Nimr.

Maamulka madaxweyne Obama ayaa saraakiisha Sacuudiga uga digay suurta-galnimada cawaaqibka ka dhallan kara khaarijinta wadaad Shiico ah, oo dhimashadiisa ay ruxday bariga dhexe, islamarkaana dibadbaxyo ka dhalisay dunida, sida uu sheegay afhayeenka aqalka cad, Josh Earnest.

“Waxaa jira walaac toos ah oo saraakiisha Maryekanka ay kusoo qaadeen saraakiisha Saudi Arabia, oo ku saabsanaa waxyeelada ka iman kartay dilka Sheekh Nimr al-Nimr” ayuu yiri Earnest.

“Kani waxa uu ahaa walaac aan horey ugu sii sheegnay Sacuudiga, balse nasiib darro, walaacii aan muujinay waxaa ka dambeeyey cawaaqbikii aan ka walaacsaneyn” ayuu yiri afhayeenka aqalka cad .

Afhayeenka waaxda arrimaha dibedda Mareykanka, John Kirby ayaa sidoo kale ku celiyey faallooyinka Aqalka Cad, isaga oo sheegay inay si gaar ah uga walacasanaayeen in dilka Sheekh Nimr ay xiisad diimeed ka dhallin karto bariga dhexe.

Kadib geeridii Sheekh Nimr, ayaa dibad baxayaal waxay weerareen safaaradda Sacuudiga ee Tehran. Sacuudiga ayaa iyagana ku jawaabay inay xiriirka u jareen Iran, ayada oo sidaas oo kalena ay sameeyeen dalal dhowr ah oo xulufo la ah Sacuudiga.

XS
SM
MD
LG