Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iran oo Cambaareysay Xiriirka Ay Jartay Saudi


Dadka Iran oo ka dibad baxay wadaadkii ay dileen Sacuudiga.
Dadka Iran oo ka dibad baxay wadaadkii ay dileen Sacuudiga.

Iran ayaa sheegtay in go’aanka Sacuudiga uusan dareenka ka weecineynin “Qaladkii weynaa” oo ay gashay, ee ay ku qaarijisay Sheikh Nimr.

Iran ayaa cambaareysay tallaabadii ay Sacuudiga ku jareen xiriirkii diblomaasiyadeed ee u dhaxeeyey labada dal, waxaana ay sheegtay in taasi ay xiisad ka hurineyso gobolka.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Iran, Hossein Jaber Ansari, ayaa sidoo kale Isniinta sheegay in diblomaasiyiinta Iran aysan weli kasoo tagin dalka Sacuudiga, balse la diyaariyey qaabkii ay uga soo bixi lahaayeen.

Wasiirka arrimaha dibedda Sacuudiga Adel al-Jubeir, ayaa goor dambe oo maalintii Axadda ku dhowaaqay go’aanka xiriirka loogu jaray Iran, waxaana uu diblomaasiyiinta Iran siiyey inay 48 saac gudahood uga baxaan dalkaas.

Tallaabadaas ayaa jawaab looga dhigay, kadib markii safaaradda Sacuudiga ee Tehran ay ku xoomeen dibadbaxayaal ka carreysan dilkii Sacuudiga ay ku fuliyeen wadaad Shiico oo caan ah, Sheikh Nimr al-Nimr.

Jubeir waxa uu sheegay in dalkiisa uusan u ogolaan dooni Iran inay waxyeeleyso ammaanka Sacuudiga iyo kan gooblka.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda Iran, Hossein Amir Abdollahian ayaa sheegay in go’aanka Sacuudiga uusan dareenka ka weecineynin “Qaladkii weynaa” oo ay gashay, ee ay ku qaarijisay Nimr.

Ciidamada ilaalada kacaanka Iran, ayaa iyaguna bayaan ku sheegay in dilka Sheekh Nimr uu hoggaamin doono dhicitaanka boqortooyada Saudi Arabia.

Waaxda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Washington ay sii wadi doonto inay ku booriso hoggaamiyayaasha gobolka inay qaadaan tallaabooyin xisaadda lagu qaboojinayo.

XS
SM
MD
LG