Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Masar Oo Masaafurisey Soomaali, Qaar Xirtay


Dadkan ayay dowladda Masar waxa ay sheegtay inay isku dayayeen inay u tahriibaan qaar ka mid ah dalalka Yurub.

Dowlada Masar ayaa dalkeeda ka masaafurisey in ka badan 60 qof oo Soomaali ah, sidoo kalena waxa ay xabsiga dhigeen sedex qof oo kale.

Dadkan la masaafuriyey ayey dowlada Masar sheegtey in ay ahaayeen dad si sharci daro ah dalkeeda ku soo galey islamarkaana doonaayey in ay u tahriibaan dalalka Yurub.

Sedexda qof ee la xirey ayaa iyagana la sheegey in aysan heysan sharci ay dalkaas ku degenaadaan ama ku joogaan.

Weriyaha VOA ee Qaahira, Xuseen Saxnuuni ayaa warbixintan soo diray.

Masar oo masaafurisay Soomaali
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:18 0:00

XS
SM
MD
LG