Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xulufada Saudi Arabia Oo Xiriirka U Jaray Iran


Wasiirada arrimaha dibedda Iran (Bidix) iyo Saudi Arabia (Midig) (Sawir hore)
Wasiirada arrimaha dibedda Iran (Bidix) iyo Saudi Arabia (Midig) (Sawir hore)

Bahrain ayaa qaaday tallaabo la mid ah tan dalka ay xulufada yihiin ee Saudi Arabia oo axaddii xiriirka u jaray Iran.

Saddex dal oo xulufo la ah Saudi Arabia, ayaa xiriirka u jaray Iran ama yareeyay, kadib markii Saudi Arabia ay xiriirka u jartay Iran, taasi oo ka dambeysay markii la weeraray safaaradda Sacuudiga ee Tehran.

Bayaan lagu baahiyey wakaaladda wararka qaranka ee BNA, ayaa Bahrain waxa ay diblomaasiyiinta Iran ugu baaqday inay dalka uga baxaan muddo 48 saac ah gudahood.

Saudi Arabia, ayaa markii go’aankeeda ku dhowaaqeysay axadddii waxa ay sidoo kale siisay diblomaasiyiinta Iran laba maalmood inay dalka uga baxaan.

Sudan waxa ay sheegtay inay xiriirka u goysay Tehran, sababo la xiriira “Weeraradii xaasidnimada ahaa” ee lagu qaaday safaaradda Sacuudiga ee Tehran, axaddii.

Imaaraadka Carabta ayaa sheegay inay xiriirka hoos u dhigayaan, sababta oo ah “Faro-gelinta joogtada ah ee Iran ay ku hayso arrimaha gudaha ee dalalka Khaliijka Carbeed, oo gaaray heer aad u sarreeya”.

Imaaraadka waxay ay xidideen tirada diblomaasiyiinta Iran ee dalkaas, islamarkaana waxa ay mataaladda Iran ee dalkaas ay hoos ugu dhigeen heer arrimo fulito, intii ay ka ahaan lahayd heer safiir.

Iran ayaa goor sii horreysay cambaareysay tallaabadii ay Sacuudiga ku jareen xiriirkii diblomaasiyadeed ee u dhaxeeyey labada dal, waxaana ay sheegtay in taasi ay xiisad ka hurineyso gobolka.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Iran, Hossein Jaber Ansari, ayaa sheegay in diblomaasiyiinta Iran aysan weli kasoo tagin dalka Sacuudiga, balse la diyaariyey qaabkii ay uga soo bixi lahaayeen.

XS
SM
MD
LG