Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Soomaaliya oo Eedaysay WFP


Wasaaradda Beeraha Soomaaliya ayaa ku eedaysay hay’adda WFP in ay raashinkeeda gargaarka ah ku beegto xiliga uu dalagu usoo go’ayo beeralayda Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedaysay hay’adda WFP in ay raashinkeeda gargaarka ah ku beegto xiliga uu dalagu usoo go’ayo beeralayda Soomaaliyeed.

Dowladda ayaa qorshaha WFP ku tilmaamnay mid khalad ah, waxayna ugu baaqday inay arrintaasi ka waantowdo.

Cabdicasiis Saalax Cusmaan
Cabdicasiis Saalax Cusmaan

Hadalka waxaa VOA u sheegay wasiir-kuxigeenka wasaaradda beeraha Cabdicasiis Saalax Carmaan, isagoo sidoo kale sheegay in wasaaraddu ay qorshaynayso in la horumariyo beeralayda Soomaaliyeed, lana dhiirigaliyo sharikadaha caalamku in ay maalgalin ku samaystaan dalka Soomaaliya oo dhowaan baarlamankiisu uu ansixiyey sharciga maalgashiga.

Hadalka Wasiir ku-xigeenka ayaa kusoo beegmaya maalmo uun ka hor shirweyne looga hadlayo wax soo saarka beeraha dunida oo ka furmi doona magaalada Berlin ee dalka Jarmalka.

Wasiir ku-xigeenka Cabdicasiis Saalax Carmaan ayaa waxaa Studio-yaha VOA ee London ku wareystay weriyaha VOA Ridwaan Xaaji Cabdiwali oo warbixintan diyaariyay.

Warbixin: Soomaaliya oo Eedeysay Hay'adda WFP
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:37 0:00

XS
SM
MD
LG