Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kismaayo: Iskuul Agab Waxbarasho La Geeyey


Kismaayo
Kismaayo

Ciidamada Kenya ee AMISOM iyo wasaaradda Haweenka Maamulka Jubbaland ayaa billaabay dadaallo lagu hormarinayo waxbarashada Gabdhaha wax ka barta magaalada Kismaayo.

Ciidamada AMISOM ayaa waxa ay agab waxbarasho gaarsiiyeen Gabdhaha wax ka barta Iskuulka Gannaane ee magaalada Kismaayo.

Agabka maanta la gaarsiiyey iskuulka Gannaane ayaa ka koobnaa buugaag, qalimaan iyo agabyada kale ee waxbarashada, waxaana ay tani qeyb ka tahay horumarinta wxabarshada gabdhaha, sida ay sheegtay Qamar Deeq Khaliif, oo ah wasiirka haweenka Jubbaland.

Wariyaha VOA Khadar Maxamuud ayaa warbixintaan Nairobi ka soo diray.

Agab la gaarsiiyey Iskuulka Gannaane
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:20 0:00

XS
SM
MD
LG