Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dastuurka Cusub: Cutubka 9aad Laanta Fulinta ee Federaalka


CUTUBKA 9AAD-LAANTA FULINTA EE FEDERAALKA

Xulashada 2aad: Nidaamka Madaxtooyada

Qodobka 94aad-Madaxweynaha Jamhuuriyadda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa madaxa Qaranka iyo xukuumadda, waana astaanta midnimada Qaranka.

Qodobka 95aad-Shuruudaha Madaxweynaha

Waxaa loo dooran karaa xilka madaxweynaha muwaaddinkasta oo soomaaliyeed oo ay da’diisu gaareyso 40 sano, lehna sumacad sare, waayo aragnimo iyo heer aqoon oo ku haboon hogaaminta xushmada qaranka.

Qodobka 96aad-Doorashada Madaxweynaha iyo Madxweyne Ku- Xigeenka

(1) Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka waxaa si toos ah u doran doono dadweynaha.

(2) Qofka hela tirada codadka ugu badan ee doorashada ayaa noqonayo Madaxweyne waa haddii uu qofkaasi helo in kabadan 50% codadkii la tirayay oo anasax ah , ama uu helo in kabadan 40% codadka cod-bixiyeyaalka iyo ugu yaraan 25% codadka saddex dalool labo dalool ee dowlad-goboleed kasta. Haddii qofna shuruudahaas buuxin waayo waxaa la tartansiinayaa labada musharrax ee helay tirada ugu badan codadka la bixyay.

(3) Doorashada Maddaxweynaha iyo madaxweyne ku-Xigeenka iyo tan Golaha Shacbiga waa in la qabtaa isku maalin hadeysan lagama maarmaan noqon doorasho gaar ah sida ku xusan qodobka103(4).

Qodobka 97aad-Soo Magacaabida Musharraxa

(1) Musharraxa Madaxweynenimada ama ku-Xigeenka Madaxweynaha waxaa soo jeedin karaa xisbiyada siyaasadeed ama wuxuu noqon karaa Musharrax madax-bannaan.

(2) Qofka isu taagaya musharraxnimo madax-banaan waa in uusan haynin xafiis xisbi siyaasadeed mudadii shanta sano oo la soo dhaafay.

(3) Qofka noqonaya musharraxa madaxa-bannaan waa in uu ka heystaa ugu yaraan kala bar oo bar dowlad-goboleeddada taageerayaal ugu yaraan gaaraya 500 oo ka mida cod-bixiyeyaalka diiwaangashan. Haddii musharraxa uu soo jeediyo xisbi, magacaabistiisu waa in ay taageeraan ugu yaraan hal laan oo ka mid laamaha xisbiga ee ku yaalla dawlad-goboleed kasta.

Qodobka 98aad-Xil-ka-qaadista Madaxweynaha

(1) Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaa xilka looga qaadi karaa oo keliya marka uu ku xadgudbo dastuurka, ku tagri-falo awooda xafiiska ama uu galo khiyaamo qaran.

(2) Hindisaha sharciga lagu maxkamadeynayo madaxweynaha waxaa soo jeedin kara ugu yaraan saddex dalool hal dalool mudanayaasha Golaha Shacbiga. Dood kaddib haddii hindisaha sharciyeed ay oggolaadaan saddex dalool laba dalool mudanayaasha Golaha Shacbigu, waa in hindisaha sharci loo gudbiyaa Aqalka Wakiilada dowlad-goboleeddada.

(3) Haddii hindisaha sharci ay ansixiyaan saddex dalool labo dalool xubnaha Aqalka Wakiilada dowlad- goboleeddadu ayaga oo u codeynaya qof qof oo aan u codeyneynin koox goboleed maxkamadeynta Madaxweynaha waa in la socodsiiyaa.

(4) Codbixinta labada Aqal waxay u dhaceysa si qarsoodi ah.

(5) Maxkamada dastuuriga ayaa qaadeysa dacwada xilkaqaadista Madaxweynaha.

(6) Madaxweynuhu waa in uu iscasilaa haddii maxkamada dastuurigu ku hesho in uu jebiyay dastuurka galayna dambiyada kale ee lagu soo eedeeyay.

(7) Haddii hindise sharciyeedka maxkamadeynta madaxweynaha lagu ansaxiyo aqalabiyadda lagama maarmaanka ah ee labada Aqal, madaxweynaha waxaa laga joojinayaa howshiisa ilaa ay ay dhamayso dhegaysiga dacwadiisa maxkamada dastuuriga ahi. Madaxweyne ku-xigeenka ayaa la wareegaya xilka madaxweynaha inta dacwaddiisu ka dhammaaanayso.

(8) Waa in la soo saaraa sharci ay ogolaadeen saddex dalool labo dalool xubnaha labada Aqal oo lagu qeexayo habraac caddaalad ah oo xilka looga qaadayo madaxweynaha marka uu awoodi waayo in uu guto xilka xafiiskiisa sababo caafimaad darro jireed iyo maskaxeed darteed.

(9) Madaxweyne-ku-xigeenka waxaa lagu maxkamadeyn karaa isla sababaha iyo habraaca madaxweynaha lagu maxkamadeyn karo.

Qodobka 99aad-Madaxweyne-Ku-Xigeenka

Musharraxiinta jagada madaxweynuhu waaa in ay soo magacaabaan qofka ay u xusheen jagada madaxweyne ku-xigeenka kaasoo noqonaya madaxweyne ku-xigeen haddii uu guuleysto musharraxa soo magacaabay, haynayana xilka madaxweyne-ku-xigeenka mudada uu madaxweynuhu hayo xilka madaxweynaha.

Qodobka 100aad-Muddada Xaafiiska Madaxweynaha iyo Madaxweyne-Ku-Xigeenka

Madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka waxay haynayaan xafiiska ugu badnaan labo xili oo midkiiba uu yahay 5 sano.

Qodobka 101aad-Awooda Madaxweynaha

Awoodaha madaxweynaha waa:

(1) Magacaabista iyo kala diridda wasiirada Dowladda Federaalka;

(2) Waa taliyaha sare ee ciidamada qalabka sida;

(3) Inuu ogolaado ama dib u celiyo sharciga uu ansixiyay baarlamaanka ama in uu u diro maxkamada dastuuriga sida ku xusan qodobka 88.

(4) Magacaabista danjirayaasha iyo ergooyinka diblomaasiga ah;

(5) Ku-dhawaaqidda xaalad dagal ama nabadgalyo marka ay ogolaadaan labada gole ee baarlamaanka;

(6) Ku-dhawaaqida xaalad deg deg ah sida ku xusan qodobka 169(3).

(7) Bixinta biladaha iyo aqoonsiyada mudnaanta ee kale;

(8) In uu cafiyo, ciqaabtana ka dhimo dembiilayaasha xukuman marka uu ka talo-qaato gudiga talo-bixinta eee madaxa bannaana iyo

(9) In uu qabto hawlaha kale ee loogu xilsaaray dastuurkan ama sharci kale ee waafaqsan dastuurkan iyo qiyamkiisa.

Qodobka 102aad-Xilka Madaxweyne Ku-xigeenka

(1) Madaxweyne ku-xigeenka wuxuu caawiyaa madaxweynaha, wuxuu noqodaa sii hayaha jagada madaxweynaha marka Madaxweynahu dalka uga maqanyahay dibada ama ay ku timaado sabab uu u gudanwaayo xilkiisa. Haddii Madaxweynuhu geeriyoodo, iscasilo, shaqada xafiiska laga joojiyo, ama laga qaado xilka, madaxweyne ku-xigeenku wuxuu haynayaa xilka madaxweynimada sida ku xusan qodobka 103.

(2) Qofka ah sii-hayaha xilka Madaxweynaha malaha awoodda maagacaabista iyo kala dirista wasiirada, magacaabista garsoorayalka iyo dib ugu celinta baarlamaanka sharci ay ansixiyeen, haddii uusan Madaxweynuhu si qoraal ah ugu wakiilanin in uu sidaa fuliyo ama uusan Madaxweynuhu noqonin mid aan awoodin in uu guto howsha xafiiskiisa muddo ka badan saddex bilood.

Qodobka 103aad-Bannaanaanta Xafiiska Madaxweynaha

(1) Haddii Madaxweynuhu geeriyoodo, iscasilo ama laga qaado xilka, madaxweyne-ku-xigeenka ayaa la wareegaya xilka madaxweynaha. Haddii uusan jirin madaxweyne-ku-xigeen ama madaxweyne-ku-xigeenku uusan awoodin in uu qabto xilka, afhayeenka Golaha Shacabka ayaa la wareegaya xilka madaxweynaha.

(2) Madaxweyne-ku-xigeenku wuxuu xilka sii haynayaa inta ka harsan mudada xilka madaxweynaha.

(3) Haddii Madaxweyne ku-xigeenka waqtiga loo dhaariyay madaxweynenimada ilaa dhamaadka muddaada xilka madaxweynennimadu ay ka badantahay labo sano iyo bar, mudadii uu hayay xilka madaxweynenimada waxaa loo xisaabinayaa in ay tahay muddo xileed dhameystiran. Haddi kale waqtigaas waxaa loo tixgelinayaa in uusan aheyn muddo xileed marka la fiiriyo u jeedooyinka qodobka 100 (ee muddo xileedka Madaxweynaha).

(4) Haddii madaxweynuhu geeriyoodo, iscasilo ama xilka laga qaado afhayeenka baarlamaankuna uu la wareego xilka waa in la qabtaa doorashooyin 90 maalmood gudahood si loo dhamaystiro inta ka hartay muddo xileedka madaxweynaha.

(5) Haddii muddo-xileedka Madaxweynaha ay ka harsan tahay muddo aan ka badnayn 18 bilood waa in aan la qaban doorasho waxaana xilka madaxweynenimada sii haynaya Afhayeenka Golaha Shacbiga inta ay ka dhammaanayso muddo-xileedka xaafisku.

Qodobka 104aad-Habka Iscasilaadda Madaxweynaha

Madaxweynuhu wuxuu iscasilaadiisa u gudbinayaa Golaha Shacbiga isagoo sii marsiinaya Afhayeenka Golaha Shacbiga.

Qodobka 105aad-Bannaanaanta Xaafiiska Madaxweyne-Ku-Xigeenka

Madaxweyne ku-xigeenka haddii uu geeriyoodo, iscasilo ama xilka laga qaado A fhayeenka Golaha Shacbiga ayaa la wareegaya xilkiisa.

Qodobka 106aad-Dhaarta Madaxweynaha

Inta uusan hawsha bilaabin Madaxweynaha Jamahuuriyaddu wuxuu marayaa dhaarta ku xusan sharciga, waxaana lagu hor dhaarinayaa xaflad ka dhacaysa fagaare dadweynuhu joogaan , waxaana dhaarinaya Guddoomiyaha Maxkamaada Dastuuriga.

Qodobka 107aad-Golaha Wasiirada

(1) Madaxweynuhu wuxuu magacaabayaa Gole Wasaaradeed aan ka badnayn 23 xubnood oo ay ku jiraan Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenku kuwaa oo aan ka mid aheyn xubnaha labada aqal. Wassiirka la magacaabay haddii uu xubin ka yahay labada Aqal midkood ama uu hayo xil guud ama mid gaara ah, waa in uu iska casilaa kursigiisa 90 casho gudahood kadib markii loo dhaariyo xafiiska

(2) Madaxweynuhu marka uu dhisayo Golaha Wasiirrada waa in uu tixgeliyaa qaybaha ay ka kooban tahay bulshada Soomaaliyeed.

(3) Golaha Wasiirrada cusub wadar ahaan waxaa u ansixinaya Golaha shacabka ama qof qof ayuu u ansixinayaa Goluhu xubnaha gadaal laga magacaabay ee Golaha Wasiirrada.

(4) Xilka ka qaadista wasiirada waxaa awood u leh Madaxweynaha oo kaliya.

Qodobka 108aad-Dhaarta Wasiirada

Golaha Wasiirrada marka ay helaan kalsoonida Golaha Shacbiga waxay marayaan dhaarta ku xusan sharciga, waxaana ku hor dhaarinaya fadhi gaar ah ee Golaha Shacbiga Gudoomiyaha Maxkamada Dastuuriga.

FIIRO: Nambarada qodobada hoose waxay la socodaan numbarada qodobada baarlamentaariga. Haddii la qaato nidaamka madaxweynennimada nambarada qodobbada hoose way is badalayaan.

XS
SM
MD
LG