Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dastuurka Cusub: Cutubka 11aad Guddiyada Qaranka, Xafiisyada iyo Hay'adaha Madaxa Bannaan


CUTUBKA 11AAD GUDDIYADA QARANKA, XAFIISYADA IYO HAY’ADAHA MADAXABANNAAN

Qodobka 129aad-Mabaadi’da Guud

  1. (1) Guddiga Madaxa Bannaan waa hay’ad ka madax banaan xukuumadda ama kormeerkeeda siyaasaded, kartina u leh in ay uga faa’ideeyaan dadweynaha hawlaha gaarka ah ee ay u xilsaaran yihiin.

  2. (2) Guddiga madaxa bannaan marka ay ku jiraan gudashada waajibkooda waa in ay ka muuqataa in ay ku shaqaynayaan dareenka xuquuqda adanaha, dimuqoraaddiyad iyo wax-qarsi la’aan.

  3. (3) Guddiga madaxa bannaani waa inaysan hoos imaan, kana amar-qaadan cid ama hay’ad kale.

  4. (4) Maaliyadda Guddiga madaxa banaan la siinayaa waxay ahaanaysaa madax gaar ah oo ka tirsan miisaaniyadda qaranka.

    Qodobka 130aad-Xubnaha Guddiyada Madaxabannaan

  1. (1) Haddii uusan Dastuurku si kale u dhigin, tirada Guddiga Madaxa bannaani waa in aysan ka yaraan saddex, aysan ka badanna sagaal xubnood; kuwaas oo si joogto ah u shaqaynaya.

  2. (2) Ugu yaraan hal xubin oo ka mid ah xubnaha Guddigu waa in ay noqtaa haween, haddii guddigu uu ka kooban yahay saddex ama afar xubnood. Sidoo kale, haddii Guddiga uu ka kooban yahay shan xubnood iyo wax ka badan, labo ka mid ahi waa in ay noqdaan haween.

    Qodobka 131aad-Magacaabidda Guddiyada

Haddii uusan Dastuurku si kale u dhigin, Wasiirka ay khuseyso ayaa u soo jeedinaya Golaha Wasiirrada magacyada Guddiga. Haddii Golaha Wasiiradu ay ansixiyaan, magacyada waxaa loo gudbinayaa Golaha Shacbiga. Haddii Golaha Shacbigu uu ansixiyo magacyadaas, waxaa loo gudbinayaa Madaxweynaha, si uu magacaabistooda xeer uga soo saaro.

Qodobka 132aad-Shuruudaha Xubnaha Guddiyada Madaxabannaan

Qofka loo magacaabayo Guddi madax bannaan waa in uu buuxiyaa shurudaha soo socda:

  1. (a) Inuu leeyahay aqoon asaasi ah;

  2. (b) Inuu leeyahay akhlaaq iyo sumcad wanaagsan;

  3. (c) In uu muujiyo hawlkarnimo sare ee hawlaha Dawladda Soomaaliya;

  4. (d) In laga helo shuruudaha kale ee lagu tilmaamay Dastuurka ama sharciga Guddiga lagu dhisay.

    Qodobka 133aad-Muddada Xilka

  1. (1) Muddada xilka xubnaha Guddigu waa 5 sano, oo loo cusboonay siin karo hal mar oo keliya.

  2. (2) Xubin Guddi oo iscasileysaa waa in ay iscasilaaddeeda qoraal ahaan Madaxweynaha ugu gudbisaa.

Qodobka 134aad-Xil-ka-qaadis

  1. (1) Xubin Guddi waxaa looga qaadi karaa xilkiisa si waafaqsan qodobkan oo keliya.

  2. (2) Xubin Guddi waxaa xilka looga qaadi karaa marka ay ku timaaddo awood-darro oogo iyo/ama maskaxeed, bixinta sirta xafiiska ama dhaqanxumo kale oo culus, ka- maqanaansho saddex kalfadhi oo isku xiga ama lagu helo dembi culus.

  3. (3) Guddomiyaha Maxkamada Dastuurigu wuxuu magacaabayaa maxkamad gaar ah oo baarta eedaha dhanka ka ah xubinta Guddiga, hadduu ku qanco in ay jiraan sababo macquul ah. Haddii ay jirto xaalad la rumaysan karo in xubinta Gudigu aanay gudan karin xilkeeda, jir ama maskax ahaan, maxkamadda gaarka ah waa in uu ka mid noqdo, ugu yaraan, xeeldheere caafimaad oo leh khibrad la xiriirta arrintaas.

  4. (4) Haddii maxkamadda gaarka ahi ay uga warbixiso Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga ah in xubinta Guddi ay xilkeeda gabtay ama lagu helay dembi culus oo keeni kara in xilka laga qaado, Guddomiyaha Maxkamadda Dastuurigu wuxuu talo ka siinayaa Madaxweynaha in xilka laga qaabo xubinta Guddiga, Madaxweynuhuna waa in uu ka qaadaa xilka.

    Qodobka 135aad-Waajibaadka Warbixn

    Guddi kasta oo madax bannaani wuxuu warbixin sanadeed u soo bandhigayaa baarlamaanka. Warbixinta guddiyadaasi waa in ay noqotaa mid ay heli karaan dadweynuhu, garanna karaan.

    Qodobka 136aad-Ku-dhaqanka Cutubkan

  1. (1) Cutubkan waxaa lagu dhaqayaa gudddiyada madaxa bannaan ee hoosta ku xusan iyo kuwa loo baahan yahay in lagu dhiso si dastuuri ah ilaa iyo inta uusan ka hor’imaaneyn qodobada Dastuurka :

    1. (a) Guddiga Doorashada;

    2. (b) Guddiga Xuquuqda Aadanaha;

    3. (c) Guddiga shaqaalaha Rayidka ah ee dawladda;

    4. (d) Golaha Adeegga Garsoorka.

  2. (2) Sharci ayaa lagu dhisayaa guddiyada soo socda, waxaana lagu dhaqayaa qodobbada cutubkaan:

    1. (a) Guddiga Xuduudaha iyo Tirokoobka;

    2. (b) Guddiga Xallinta Khilaafaadka dhulka iyo hantida.

  3. (3) Sharci ayaa lagu dhisi doonaa guddi kale oo madax bannaan; iyadoo la raacayo shuruudaha cutubkan, waxaana lagu dhaqayaa qodobbada cutubkan.

    Qodobka 137aad-Xafiisyada Madaxabannaan

  1. (1) Cutubkan waxaa laguu dhaqayaa xafiisyada madaxa bannaan ee hoosta ku xusan ama kuwa loo baahan yahay in lagu dhiso si dastuuri ah ilaa iyo inta aysan ka hor’imaaneyn qodobbada dastuurka:

    1. (a) Garyaqaanka Guud ee dawladda;

    2. (b) Hantidhoorka Guud.

  2. (2) Cutubkan waxaa lagu dhaqayaa xafiis kasta oo kale oo lagu dhisay sharci, laguna dhawaaqay in uu madax bannaan yahay.

XS
SM
MD
LG