Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dastuurka Cusub: Cutubka 6aad Matalaadda Shacabka


CUTUBKA 6 AAD-MATALAADDA SHACABKA

Qodobka 51aad-Mabaadi’da Guud ee Matalaadda

(1) Nidaamaka doorashadu waa in uu ku dhisnaadaa mabaadi’da soo socota:

(a) Ku-dhaqanka xuquuqda siyaasadda ee muwaaddiniintu waxay ku caddahay qodobka 27aad.

(b) In geeddisocodka doorashadu noqoto mid sahlan, la fahmi karo xeerarkiisa, qaababkiisa iyo habraacyadiisaba.

(c) Dadka gaarey da’da codbixinta oo dhammi xaq siman ayay u leeyihiin in ay codkooda

dhiibtaan;

(d) In dhammaan qaybaha bulshada Soomaaliya ay helaan matalaad caaddil ah.

(e) In codadka cod-bixiyayashu ay sinaadaan intii suurto gal ah.

(f) In laga hortago iska-hor’imaadyada iyo kicinta colaadaha, iyo

(g) In doorashooyinku ahaadaan xor iyo caddaalad , kuna dhacaan:

i. codbixin qarsoodi ah;

ii. si ka xor ah rabshado, handdidaad, musuqmaasuq iyo laaluush;

iii. si furan, laguna maamulo eex la’aan, dhexdhexaadnimo, hufnaan iyo qaab laxisaabtan leh.

(2) Baarlamaanku waa in uu soo saaraa sharci nidaaminaayo qabashada doorashooyinka qaranka iyo Dawlad-goboleedyada. Sharcigaas inta suurtogal ah waa in uu xaqiijiyaa:-

(a) In doorasho kasta codbixiyeyaashu ay helaan macluumaad ku filan oo ku saabsan nidaamka doorashada, habraacyada iyo cidda ay dooranayaan;

(b) Muwaaddin kasta oo xaq u leh in uu codeeyo waa in uu isdiiwaan-geliyo, kaddibna codeeyo, is’hortaag iyo takoorid la’aan;

(c) Qof kasta oo codaynayaa in uu awood u leeyahay in uu codkiisa u dhiibto si waafaqsan damiirkiisa, iyadoo uusan jirin cadaadis uga imaanaya cid kale;

(d) Musharraxiinta iyo xisbiyada siyaasiga ah ee ku tartamaya doorashooyinku waa in ay helaan fursado siman oo caddaalad ku dhisan, xilliga u-ol’olaynta doorashada;

(e) In la xaddido saamaynta ay lacagtu ku yeelan karto natiijada doorashooyinka;

(f) Nidaamka codbixintu waa in uu ahaadaa mid sahlan oo hufan, la hubin karo, nabadgelyo leh, lala xisaabtami karo oo furfuran;

(g) In uu jiro nidaam iyo hab lagu xaqiijin karo xafidaadda agabka doorashooyinka, loogana hortegi karo maamulxumo; iyo

(h) In la diyaariyo qaab habboon oo lagu xalliyo murannada ka dhasha doorashooyinka.

Qodobka 52aad-Xisbiyada Siyaasiga Ah

(1) Xisbi siyaasadeed aan diiwaaan-gashanayni musharrax ma soo xuli karo.

(2) Baarlamaanku waa in uu soo saaro sharciga diiwaan-gelinta iyo diiwaan-ka-saaridda xisbiyada siyaasadda. Waa in la diiwaan-geliyo xisbigii buuxiya shuruudaha Dastuurkaan iyo halbeegayada kale ee lagu xusay sharciga.

(3) Waxaa reebban in la diiwaan-geliyo xisbi-siyaasadeed ku dhisan hayb-qabiil iyo ujeeddo ciidan.

(4) Habraaca diiwaanka looga saarayo xisbi-siyaasadeed jebiyey Dastuurka, sharciga ama xeerdhaqanku waa in uu xaqiijiyaa in ciqaabta xisbigu ay u dhiganto xadgubka dhaqankiisa iyo in habraacu noqdo mid cadaalad ah, kana madax bannaan Dawladda ama xisbi kale oo siyaasadeed iyo faragelinno kale oo aan loo baahnayn.

(5) Sharciga lagu dhaqayo xisbiyada siyaasaddu waa in uu waajib uga dhigaa xisbiyada in ay lahaadaan Dastuur iyo habraacyo ku dhisan dimoqraaddinnimo iyo takoorid la’aan ah, si caadi ahna xisaabaadkooda loo baari karo.

(6) Sharciga lagu dhaqayo xisbiyada siyaasaddu waa in uu waajib uga dhigaa xisbiyadaasi in ay caddeeyaan, ilaa iyo xad, taageerada maaliyadeed ee ay ka helaan ilaha qaarkood.

Qodobka 53aad-Xeer-dhaqanka Guud ee Xisbiyada Siyaasiga Ah

Guddiga doorashadu, isagoo la tashanaya hay’adaha iyo shakhsiyaadka ay khuseyso, waa inuu diyaariyaa xeer-dhaqanka guud ee xisbiyada siyaasadda.

Qodobka 54aad-Xeer-dhaqanka Waqtiyada Doorashada

Guddiga doorashadu, isagoo la tashanaya hay’adaha iyo shakhsiyaadka ay khuseyso, waa in uu diyaariyaa xeer-dhaqanka xisbiyada siyaasadda, musharraxiinta iyo warbaahinta, kaasoo nidaaminaya hab-dhaqanka xisbiyada siyaasadda xilliga ay ku jiraan ol’olaha qabashada doorashada, codaynta iyo wixii ka dambeeya.

XS
SM
MD
LG