Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dastuurka Cusub: Cutubka 16aad - Qodobbada Guud


CUTUBKA 16AAD-QODOBBADA GUUD

Qodobka 171aad-Wax-ka-beddelka Dastuurka

(1) Qodobada soo socda ee Dastuurka waxba lagama beddeli karo:-
(a) Mabaadi’da Aasaasiga ah ee ku jira Cutubka 1aad;
(b) Xuquuqda asaasiga ah iyo xorrriyadda ku jira Cutubka 3aad
(2) Wax-ka-beddelidda qodobbada wax laga beddeli karo ee Dastuurka waxaa lagu samayn karaa oo keliya iyadoo la raacayo habraaca ku qoran faqrqadaha hoose ee qodobkan [haddii aysan ahayn qodobbada wax looga beddelaayo xuduudaha dawlad-goboleedyada oo looga hadlay Cutubka 7aad.
(3) Habraaca wax-ka-beddelidda qodobbada dastuurka waxaa soo jeedin kara dawladda Federalka ama Dawlad-goboleedyada, xubin ka mid ah golaha xeerdejinta federaalka ama codsi qoraal ah oo ay keenaan ugu yaraan 20.000 oo muwaaddin.
(4) Soo-jeedin sharci ee wax-ka-beddelidda Dastuurka waxaa la hor-geynayaa labada Aqal ee baarlamaanka federaalka.
(5) Marka soo-jeedin sharci ee wax-ka-beddel dastuur la hor-keeno mid ka mid ah Aqallada, xubnaha Aqalka la hor-keenayna ay aqablaan, waxaa la magacaabayaa Guddi iskudhaf ah oo ka kooban Golaha Shacabka iyo Wakiillada dawlad-goboleedyada.
(6) Guddiga iskudhafka ahi wuxuu ka baaraan-degayaa soo-jeedinnada waxbeddelka. Guddigu wuxuu ku war-gelinayaa daweynaha soo-jeedinnadaas, wuxuuna xaqiijinayaa in ay helaan fursad ku filan oo ay kaga doodaan. Xubnaha bulshada waa in lala tashadaa, lana siiyaa fursad ay ugu soo bandhigaan, uguna soo gudbiyaan talooyinkooda guddiga iskudhafka ah.
(7) Guddiga iskudhafka ah waxay ugu soo gudbinayaan warbixintooda baarlamaanka federalka 2 bilood gudahood marka laga soo bilaabo maalinta la magacaabay.
(8) Waxba lagama beddeli karo qodobbada dastuurka, haddii aysan ku ansixin Golaha Shacabku ugu yaraan saddex dalool labo dalool xubnihiisa, iyo ugu yaraan saddex dalool labo dalool ergooyinka Aqalka Wakiillada dawlad-goboleedyada.
(9) Qodobbada la soo jeediyey in wax laga beddelo haddii ay saamayn muuqata ku leeyihiin awoodaha iyo hawlaha dawlad-goboleedyada, sidaasna uu caddeeyey afhayeenka Aqalka Wakiillada dawlad-goboleedyadu, waa in baarlamaannada dawlad-goboleedyada oo dhan loogu yeeraa inay aragtiyadooda u soo gudbiyaan baarlamaanka federaalka .
(10)Codaynta ugu dambaysa ee labada Aqal waxaa la qaadi karaa ilaa ay saddex bilood ka soo wareegto marka loo soo gudbiyo soo-jeedin wax-ka-beddelid sharci.

Qodobka 172aad-Xadididda Wax-ka-beddelka Dastuurka

Lama soo jeedin karo wax-ka-beddelid qodobbada dastuurka toddobada sano (7) ee ugu horraysa dhaqangalkiisa, marka laga reebo wax-ka-beddelidda lagama-maarmaanka u ah fududaynta ka-sooqaybgalka buuxa ee Soomaliland iyo Puntland ay uga soo qaybgalayaan nidaamka Federaalka.

Qodobka 173aad-Dib-u-eegidda Dastuurka

Dhaqangalka Dastuurka lix sano iyo bar kadib, baarlamaanku wuxuu dhisayaa Guddi dib- u-eegid ku sameeya hirgelinta Dasturka iyo shaqayntiisa, isla markaasna kala tashada dadweynaha waxka-beddelidda in lagu sameeyo ay suurtogalka tahay. Guddigani wuxuu warbixintiisa u soo gudbinayaa baarlamaanka federaalka iyo dadweynaha lix bilood gudahood. Kaddib markuu uruuriyo kana, baaraan-dego aragtiyada dadweynaha, guddigu wuxuu dib u habaynayaaa warbixintiisa. Wuxuu soo gudbinayaa talooyinkiisa haddiiba ay jiraan, wuxuuna hor-geenayaa baarlamaanka, si uu wax uga beddelo Dastuurka, isagoo raacaya habraaca lagu xusay qodobka 171.

Qodobada174aad-Dhaqangelinta Dastuurka

Dastuurku wuxuu dhaqan-gelayaa 90 maalmood kaddib markii lagu ansixiyey Afti Dadweyne, haddaysan jirin qodobo dhaqangalkooda dib loogu dhigay Jadwalka 1aad.

Qodobka 175aad-Hirgelinta Dastuurka

Jadwalka 1aad wuxuu jideynayaa in dib loo dhigo dhaqangalka qodobbada qaarkood, si loogu sameeyo jadwal sameynta sharciyo iyo hay’ado cusub iyo si guud ahaan loo xaqiijiyo hirgelinta Dastuurka.

Qodobka 176aad-Sii Socoshada Shuruucda Horay u Jirtay

Sharciyada jira taariikhda uu dhaqan-galo Dastuurkan way sii jirayaan haddii aan si kale loogu sheegin Jadwalka 1aad.

Qodobka 177aad-Waajibaadka Dawliga ee Caalamiga Ah

Waajibaadka ka dhasha heshiiisyada dawliga ah ee jira taariikhda uu dhaqan-galo Dastuurkan, waxay sii ahaanayaan kuwo taabbogal ah.

Qodobka 178aad-Afti

(1) Haddi ay noqoto in la qaado afti uu amary dastuurka ama sharci kale ama sababo kaleba loo qaadayo, dhammaan cod-bixiyayaasha waxay xaq u yeelanayaan in ay muujiyaan aragtiyadooda una dhiibtaan codkooda si xora, toos ah, qarsoodina ah isla waafaqsan sharci gaar ah oo
tilmaamaya habraaca aftida.
(2) Sharciga aftida waa in uu xaqiijiyaa in su’aasha ama su’aalaha dadka la weydiinayo ay noqodaan kuwo cad, una qoran qaab fududeynaya in la helo aragtida dhabta ah ee cod-bixiyayaasha isla markaana aan mugdi gelinayn arrimaha ay kala dooranayaan cod-bixiyayaasha.
(3) Waa in aysan su’aalaha qaabka loogu dhigay warqadaha codeynta iyo habraacu aftiduba aysan ku hogaamineyn cod-bixiyaha inuu jawaab gaar ah ka bixiyo su’aasha ama su’aalaha aftida.

Qodobka 179aad-Burinta Axdiga Federaalka Ku-meelgaarka

Axdiga ku-meelgaarka ee Federaalku wuxuu dhaqangeb noqonayaa laga bilaabo marka Dastuurkan dhaqan galo sida uu qabo qodobka 174, Jadwalka 1aad ee Lifaaqyada dastuurka waxaa ka mid ah in qaar kamid ah qodobada Axdiga Ku-meelgaarka Federaalku ay sii jiri karaan muddo xaddidan.

XS
SM
MD
LG