Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dastuurka Cusub: Cutubka 2aad Jinsiyadda


CUTUBKA 2AAD JINISIYADDA

Qodobka 9aad – Xuquuqda Gaarka ah ee Muwaaddiniinta

1. Qos kasta oo ku dhasha gudaha Soomaaliya, dhalasho ahaan waa Soomaali.

2. Muwaaddiniintu ayaga oo siman waxay leeyihiin:

a. Xuquuda, mudnaanta iyo faa’idooyin muwaaddinnimo; kuwaas oo Dastuurka ku xaddidan; iyo

b. Baasabboor Soomaali ah, dokumeenti diiwaangelineed iyo aqoon kasta oo ay dowladdu u soo saarto muwaaddiniinta.

3. Muwaadin kasta waxaa baasabboorka iyo dokumeentiga kale ee ku xusan faqradda (1) (b) loogu diidi karaa ama looga laali karaa ama looga qaadi karaa oo keliya sharci waafaqsan habraaca qodobka 43-aad.

Qodobka 10aad – Helidda iyo Haysadka Jinsiyadda

1. Jinsiyadda Soomaaliyeed waxaa lagu heli karaa dhalasho ama Soomaaliyeyn.

2. Qof jinsiyadda ku dhashay lagama qaadi karo jinsiyadda, xataa hadduu qaato jinsiyad dal kale.

3. Qof jinisiyadda ku dhashay ama la Soomaaliyeeyey iskii ayuu jinsiyadda Soomaaliyeed uga tanaasuli karaa.

4. Jinsiyadda laguma waayi karo guur ama furriin.

Qodobka 11aad – U-dhalashada Jinsiyadda

1. Qof kasta oo ku dhasha gudaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, dhalasho ahaan waa Soomaali.

2. Qof kasta oo ku dhasha Soomaaliya dibaddeeda waa Soomaali dhalasho ahaan, haddii ay hooyadii ama aabbihii ku dhashay Soomaaliya ama isir ahaan Soomaali yihiin.

3. Qodobkani wuxuu si siman u saamaynayaa qof kasta oo dhashay taariikhda Dastuurka uu dhaqangalay ka hor ama kadib.

4. Ilmaha laga helo Soomaaliya oo ay da’diisu ka yar tahay siddeed-jir, oo jinsiyaddiisa ama tan waalidkiisa aan la aqoon, waxaa loo aqoonsanayaa inuu Soomaali yahay.

Qodobka 12aad – Muwaaddinnimada Lagu Helo Soomaaliyeynta

1. Qof kasta oo ay isqabeen ugu yaraan shan sano muwaaddin Soomaaliyeed wuxuu xaq u leeyahay inuu dalbado Soomaaliyeyn.

2. Ilmo aan muwaaddin ahayn, balse qof muwaaddin ahi soo korsaday, xaq ayuu u leeyahay in la Soomaaliyeeyo. Waalidka korsanaya aa u dalbi kara ama markuu 18 jirsado ayuu laftirkiisu weydiisan karaa Soomaaliyeyn.

3. Qof Shan sano oo taxane ah, si sharci ah Soomaaliya u degganaa, buuxiyeyna shuruudaha sharciga jinsiyadda, xaq ayuu u leeyahay inuu dalbado Soomaaliyeyn.

4. Shardiga shanta sano ee uu qofku xaq u yeelanayo in lagu Soomaaliyeeyo guur ama degganaasho kuma xirna in uu buuxiyay ka hor ama ka dib taariikhda dhaqangalka Dastuurka.

Qodobka 13aad – Kala-noqoshada Soomaaliyeynta

1. Qof jinsiyadda Soomaaliyeyn ku helay waa lagala noqon karaa jinsiyadda haddii maxkamad awood sharciyeed u leh arrimahan ay ogaato in:

a. Uu jinsiyadda ku helay been-abuur, isu-ekeynsiin wax uusan ahayn ama qarin xaqiiqo sugan;

b. In iyada oo uu dalku dagaal ku jiro, uu si aan sharci ahayn ula ganacsado, la xiriiro, iskaashi hawleedna la yeesho cadawga oo ay caddaato inuu si ogaal ah ugu taakuleeyey dagaalkaas;

c. Soomaaliyeyntiisa ka dib lagu xukumo khiyaano qaran ama denbi kale oo lagu mutaysan karo ugu yaraan toddobo sano oo xarig ah.

2 Qofka loo haystey in jinsiyadda uu ku helay dhalasho sida ku xusan qodobka 11 (4), waa lagala noqon karaa jinsiyadda haddi maxkamad awood sharci leh ay go’aamiso:

a. In uu jinsiyadda ku helay been-abuur, isu-ekeynsiin wax uusan ahayn ama qarin xaqiiqo sugan;

b. In isaga ama waalidkii dhalay la ogaado inay jinsiyad kale leeyihiin; ama

c. In da’diisu ay ka weyneyd siddeed jir markii dalka gudihiisa laga helay.

Qodobka 14aad – Sharci u Dejinta Muwaaddinnimada

1. Baarlamaanka ayaa soo saari kara sharci habeeya:-

a. Soo-gelidda dalka iyo degganaashaha dadka shisheeyaha ah;

b. Degganeyaasha joogta ah;

c. Sida qof shisheeye ku heli karo jinsiyad Soomaaliyeed;

d. Qaabka khiyaar-uga-tanaasulidda jinsiyadda;

e. Habraaca jinsiyadda Soomaaliyeynta ku timid loola noqon karo; iyo

f. Qaabka ay u dhaqan-gelayaan qodobadda ku xusan Cutubkan.

XS
SM
MD
LG