Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Barnaamij Xal u Noqon Kara Xawaaldaha Soomaalida


Keith Ellison
Keith Ellison

Muddaba waxa ay caqabadi heysatey xawaaldaha Soomaalida oo howlahoodii Mareykan ay cariiri galeen qaar badana ayba suuqa ka baxeen.

Arrintan ayaa waxaa ugu wacnaa kadib markii bankiyo badan ay diideen inay la macaamilaan xawaaladaha, ayada oo sidoo kalena dagaalka ka dhanka ah argagixsada ay arrintan saameyn ku yeelatay.

Mudanayaasha gobolka Minnesota soo doorto ee congress-ka Mareykanka ku jira ayaana dadaal ugu jirey sidii ay arrintaas wax uga qaban lahaayeen, waxaana ay iminka ku dhow yihiin xal loo helo arrintan.

Todobaadkii hore ayaa hadaba waxaa la ansixiyey barnaamij hadii uu guuleysto ogolaanaya inay dib u howlgalaan xawaaladihii Soomaalida.

Falastin Axmed Iiman ayaa haddaba ka wareysatey Mustafa Axmed Jimcaale oo ka tirsan xafiiska Congressman Keith Ellison.

Wareysi: Mustafa Axmed
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:34 0:00

XS
SM
MD
LG