Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jamhuuriga oo Si Rasmi ah u Magacaabay Trump


Donald Trump
Donald Trump

Xisbiga Jambuuriga, ayaa si rasmi ah u doortey ganacsadaha maal-qabeenka ah ee Donald Trump in uu noqdo musharraxa ugu tartami doono doorashada madaxtinnimo ee 2016.

Shir weynaha qaran ee xisbiga Jamhuuriga oo ka dhacaya magaalada Cleveland ee gobolka Ohio, ayay fiidkii Talaadada waxay ergooyinka gobollada ay siiyeen codadkii uu u baahnaa Trump ee 1,237-da cod, taas oo ka dhigeysa in uu noqdo mashurraxa rasmiga ah ee xisbigaasi u matali doona tartanka madaxtinnimada.

Waxa uu Trump islamarkii uu noqdey musharaxa rasmiga ah ee xisbiga Jamhuuriga uu twitter-kiisa dhigey in aanu niyad jabin doonin taageerayaashiisa oo uu si adag u shaqeyn doono.

Waxa uu la tartami doonaa doorashada dhici doonta November 8-deeda,
xog-hayihii hore ee arrimaha dibaadda, haddana ah musharaxa lagu wadao in Dimuqraaddigu ay iska soo saaraan ee Hillary Clinton.

Ciddii ku guuleysata doorashadaasi, ayaa baddali doonta madaxweyne Barack Obama, oo laba xilli ku guuleystay xafiiska in uu sii joogo, kaas oo shaqada uga eg bisha January ee sanadka soo socda.

XS
SM
MD
LG